Farmaajo oo Diiday In Laga Wadahadlo Arinta Gudiga Lagu Muransan Yahay Ee Doorashada Ayaa Dabacsanaan Ka Muujiyay Arinta Gobolka Gedo

6″ January ” 2021″

Madaxweyne farmaajo oo diiday in laga wada hadlo arinta gudiga lagu muransanyahay ayaanka soo dabcay arinta gobolka gedo , markii ay kulan saacado qaatay wada yeesheen isaga iyo qoor qoor

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo ergo ka ahaa Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, si loo xaliyo caqabadaha ka jira doorashooyinka

Sida wararku sheegayaan kulamo qaatay saacado ayaa shalay illaa xalay waxaa uu Muqdisho ku dhex maray Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed oo dhinac ah iyo Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyihiisa Nabadsugida Fahad Yaasiin.

Kulamadan oo soo bilowday shalay duhurkii ayaa kulankii u horreeyay Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed waxay la yeesheen Taliyaha Nabadsugida Fahad Yaasiin.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan looga hadlayay caqabadaha ka jira doorashada, gaar ahaan arrinta Gobolka Gedo iyo arrinta doorashada Gobolada Waqooyi.

Intaas kaddib Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa waxay Madaxtooyada Villa Soomaaliya kula kulmeen Madaxweyne Farmaajo, kulankaas oo shalay gelinkii dambe bilowday ayaa illaa xalay saqdii dhexe soo gaaray.

Warar ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu aqbalay ergadii uu keenay Madaxweyne Qoorqoor, iyadoo la isku fahmay in arrinta Gedo la xaliyo doorashada ka hor, lana furo dib u heshiisiin labada dhinac.

Is fahamka ayaa waxaa qeyb ka ah kuraasta Gedo, waxaana la sheegayaa in la isla gartay in saddex kursi la kala bedesho, oo ah kuraas si gaar ah loo daneynayo oo kala taalla Garbahaarey iyo Kismaayo.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa laga war sugayaa inuu jawaab ka keeno Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ku wada sugan Garowe.

Dhinaca kale waxaa iyana is faham hordhac ah laga gaaray arrinta muranka ka taagan doorashada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi, sidoo kale waxaa is bedel kooban lagu sameyn doonaa Guddiyada muranka ka jira.

Leave a Reply