7″ January ” 2021″
Waxaa xal laga gaaray murankii ka taagnaa Guddiga doorashada Xubnaha Gobolada Waqooyi oo ay horay Xukuumadda u soo magacawday, kaasoo ka mid ahaa Guddiyadii lagu muransanaa ee caqabada ku noqday hirgelinta hannaanka doorashada
Dadaalada lagu xallinayo tabashooyinka ka taagan Guddiyada doorashada ayaa ka soo bilowday magaalada Garowe, halkaasoo markii u horeysay si fool ka fool ah isugu arkeen Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed oo ah labada Mas’uul ee ugu sareysa Xubnaha ka soo jeeda Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in afar xubnood oo ka socota dhanka Guddoomiye Cabdi Xaashi loogu dari doono Guddiga doorashada xubnaha gobolada waqooyi.
Sidoo kale xubnahan ayaa waxay bedeli doonaan xubno horay Xukuumadda uga darsatay Guddigaas oo dood ka timid.
Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa horay uga soo horjeestay guddiga uu magacaabay Ra’iisul wasaaraha, kuna tilmaamay inay yihiin guddi aanay matalin, isla markaana ay isugu jiraan askar iyo shaqaalaha rayidka.
Si kastaba ha ahaatee xalka laga gaaray Guddiga doorashada xubnaha ka soo jeeda Gobolada Waqooyi/Somaliland ayaa waxaa uu fure u noqon karaa in lagu heshiiyo hannaanka doorashada xubnaha Gobolada Waqooyi ee lagu dooran doono magaalada Muqdisho.
