10 January “2021 Mudug

Dagaal u dhexeeyay deegaanka Bacadweyne ee Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug iyo dagalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa Maanta ka dhacay deegaankaas, waxaana laga helayaa faah faahino.

Dagaalka ayaa bilowday ka gadaal markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen dadka deegaanka Bacadweyne, wallow markii dambe dagaalka oo muddo kooban socday uu istaagay.

Guddoomiyaha deegaanka Bacadweyne ee Gobolka Mudug Axmed Daahir oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa faah-faahin ka bixiyay dagaalkii dhexmaray dadka deegaanka iyo Al-shabaab.

Guddoomiye Axmed ayaa sheegay in wax khasaaro ah uusan geysan dagaalkii dhacay, isla markaana dadka deegaanka ay iska caabiyeen ragii weerarka kusoo qaaday, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dagaalo u dhexeeyay dadka deegaanka Bacadweyne iyo Al-shabaab ayaa horey sidaan oo kale uga dhacay halkaas, waxaana xusid mudan in maalmo kahor qaraxyo ka dhacay tuulo hoostega deegaanka lagu burburiyey Ceel Biyood.

Leave a Reply