Daawo” Dibadbax ka dhan ah Damaca Itoobiya Iyo Dareenka Muqdisho”


Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252

Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46

11- January-2024

Dibadbaxa Taako dhulkeenna, ka mid Ah Dhiibimeyno Iyo Dareenka Muqdisho”

Kumannaan Shacab Soomaaliyeed ah ayaa maanta Dibadbax ballaaran ka dhigay qeybo badan oo Koonfurta iyo Waqooyiga Muqdisho ah iyaga oo dareenkooda ku muujiyay sida ay uga soo horjeedaan damaca qaawan ee Itoobiya ay ku dooneyso inay ku boobto badda Somalia

Dibadbaxayaasha oo cod dheer ku cabirayay dareenkooda ayaa socod ku maray qeybo badan oo caasimadda Muqdisho iyaga oo sitay boorar ay ku qoran yihiin:

“Baddeenna Beec ma aha,

“Taako Baddeenna,

“Kama Tanaasulayno,

“Taako Dhulkeenna,

“Kama Gorgortameyno”

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ugu horreeyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa shacabka kala qaybgalay Dibadbaxa, iyaga oo ku bogaadiyay sida Waddaniyadda leh ay u difaacayaan dhul badeedka Soomaaliyeed, una diidan yihiin damaca guracan ee Itoobiya.

Leave a Reply