11- Jan-2024 ”

Urur Goboleedka IGAD oo shir degdeg ah ka yeelanaya Xadgudubka Itoobiya ee ku aadan Bada Somalia
Madaxweynaha Jabuuti oo ah Guddoomiyaha Urur Gobolleedka IGAD ayaa ku baaqay shir deg de犀利士 g ah oo looga hadlayo Damaca Guracan ee Itoobiya iyo jawaabta ay ka bixisay Soomaaliya.
Shirkaan oo ka dhici doona 18-ka Bisha dalka Uganda ayaa daba socda baaqii Soomaaliya ee ahaa in Wadamada IGAD kulan ay ka yeeshaan damaca Itoobiya ee ka soo horjeeda shuruucda IGAD iyo dhammaan shuruucda kale ee Caalamka.
Dhinaca Kale Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay taageerada Dowladda Shiinaha ee Madaxbannaanida dhuleed iyo Midnimada JFS
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miradhal ah la qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Fei Shengchao. Safiirka ayaa la wadaagay Madaxweynaha taageerada Shiinaha ee ku aaddan gobonimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mahadceliyay mowqifka adag ee dowlada Shiinaha ay ku garab istaageen Qaranimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo muujiyay muhiimadda ay u leedahay ilaalinta sharuucda caalamiga ah, xasilloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika oo udub-dhexaad u ah nabadda Caalamka.