2- February-2024
Luul Cabdicasiis oo ka mid ahayd shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayaa u geeriyootay dhaawac kasoo gaaray dab uu qabad siiyay seygeeda oo ay dhawaan nolasha ku midoobeen. Dheeho News Every Day
Luul ayaa saakay ku geeriyootay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, halkaas oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay xaaladdeeda caafimaad lagula tacaalayay.
Seygeeda oo falkaan lagu eedeynayo ayaa la sheegay inuu baasiin ku gubay xilli ay ku sugnayd gurigeeda. Lama oga sababta ka dambeysa falkaan, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan inay la xariirto arrimo masayr ah.
Hay’adaha amnigu weli wax war ah kamasoo saarin dhacdadaan oo aad looga hadal hayo magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kale la sheegayo inuu baxsaday seygeeda.
Marxuumadda waxay lahayd uur lix bilood ah markii falkaan loo geysanayay. Waxay sidoo kale ahayd hooyo kaligeed ku ahayd korinta 6 carruur ah oo agoon ah oo nin kale u dhashay.
Ninkan falkaan kula kacay ayay dhawaan is guursadeen, waxayna u lahayd uurkiisii ugu horreeyay sida uu HOL u sheegay mid kamid ah dadka ay shaqo wadaagga ku ahaayeen garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.
Qoyska Luul Cabdicasiis oo wacad ku maray hal arrin, dalab culusna u diray dowladda
Qoyska Luul Cabdicasiis, haweeneydii saaka u geeriyootay dhaawacii kasoo gaaray baasiinkii uu ku gubay ninkeeda ayaa goordhoweyd warbaahinta la hadlay, ayaga oo dalab culus u diray dowladda federaalka Soomaaliya.
Waxay ka dalbadeen madaxda sare ee dowladda federaalka in loo soo gacan geliyo eedeysanaha gabadhooda u gubay sida ula kaca ah, iyaga oo wacad ku maray in aan la aasi doonin meydka gabadhooda illaa laga keenayo gacan ku dhiig laha oo lagu magacaabo Sayid Cali Cabdi Xaaji Daa’uud.
Qoyska oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegeen inay dowladda uga fadhiyaan in ay gacanta kusoo dhigto gacan ku dhiiglaha gabadhooda nolosha ku gubay, si cadaaladda loo marsiiyo
Waxaan leenahay gabadhaas Allaha u naxariisto, waxaan idinka sugeynaa (dowladda) in aad gacanta kusoo dhigtaan dambiilihii galay dambigaas ee gabadha sida ula kaca ah u gubay, isaga oo lasoo xirin gabadhaan la duugi maayo.”
Aabbaha gabadha dhalay ayaa sidoo kale waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh iyo guddoomiye Yuusuf Madaale ka dalbaday in si deg deg ah uga howl-galaan cadaalad u helista gabadhiisa, islamarkaana gacanta loogu soo dhigo gacan ku dhiig laha gabadhiisa dilay loona marsiiyo sharciga.
Allaha u naxariistee Luul Cabdicasiis ayaa maanta ku geeriyootay magaalada Muqdisho. Luul ayaa ka mid ahayd shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaana maalmihii lasoo dhaafay xaaladeeda caafimaad lagula tacaalayay Isbitaalka Digfeer, ayada oo ugu dambeyn maanta u geeriyootay dhaawicii darnaa ee kasoo gaaray falkaasi