6-Feb-2024-Muqdisho
10 qof, oo rayid ah ayaa ku dhintay tiro kalana way dhaawacmeen weerar hoobiyeyaal ah oo lagu garaacay suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho Dheeho News Every Day
Hoobiyeyaasha ayaa dhaliyay khasaare u badan dhaawacyo soo gaaray dad shacab ah oo ku sugnaa suuqa, xilliga uu dhacayay weerarka.
Ku dhowaad 10 qof ayaa ku dhintay weerarkan, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo shacab ah, sida ay sheegayaan Wariyeyaal ka tirsan Shabelle oo goobta tegay
Sidoo kale waxaa istaagay inta badan ganacsigii suuqa, ayada oo lagu kala cararay markii ay soo dhaceen hoobiyeyaasha.
Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana sidoo kale suuqa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya