8-Feb-2024
Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ee Muqdisho, ku ansixiyay magaacibsta 10 Safiir Dheeho News Every Day
Kulankan ayaa waxaa lagu ansixiyay illaa 10 Safiir oo dalkeenna uga howlgeli doona qaar kamid ah dalalka caalamka ee aan wadaagno xiriirka diblumaasiyadeed.
Safiirrada la magacaabay waxa ay kala yihiin:-
1. Cabdicasiis Maxamuud Maxamed (Farabadane)
2. Cabdullaahi Maxamed Sheekh Cabdullaahi
3. Cali Cabdi Awaare
4. Cali Maxamed Abuukar (Ali Wolf)
5. Bashiir Xasan Xaaji
6. Fathudin Cali Maxamed
7. Xuseen Cabdi Xalane
8. Khadiija Cosoble Cali
9. Khadra A Dualle
10. Ridwan Xirsi Maxamed
.Sidoo kale golaha ayaa meelmariyay Habraaca Dhaqangelinta Xakameynta Hubka, Rasaasta iyo Waxyaabaha Qarxa, taas oo lagu xakameynayo dhibaatooyinka ay sababaan hubka iyo qaraxyada sida sharci darrada ah loo adeegsado
.Inta uu socday shirka waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, dib-u-habeynta dhakhliga, xogta heshiisyada dowladda iyo cayaarahii dowlad goboleedyada dalka oo dhawaan si guul ah ugu soo ku soo idlaaday Muqdisho.
Tallaabadan ayaa noqoneyso tii ugu horreysay ee ay qaado dowladda Xasan Sheekh oo hal mar isbeddal ku sameysay safiiradii caalamka, tan iyo markii dib loogu doortay xilka.