Somaliland oo naqdisay qoraallo ay Dowladda Federaalka u dirtay QM iyo M/Afrika

12-Feb-2024

Dawladda Soomaaliya ayaa dhowaan ugu baaqday ururrada Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay inay mowqif mabda’ ku salaysan ka qaataan is-afgaradkii ay bishii hore kala saxiideen Itoobiya iyo Soomaaliya.

War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda ee Soomaaliya ayaa ugu baaqaysa ururradan inay cambaareeyaan is-afgaradkaasi “sharci-darrada ah” iyo “ku-xadgudubka Itoobiya ee madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed Soomaaliya,” – waa sida lagu yiri war saxaafadeedkee.

Haddaba qoraal xalay ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa lagu naqdiyay jawaabihii ay dowladda Federalka Soomaaliya dhawaanahan ka bixineysay heshiisk