16-Feb-2024
Sidee madaxweyne Xasan loogu soo dhaweeyay Addis Ababa?
Madaxweyne Xasan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Abiy Axmed, oo uu meeqaam ahaan ugu sareeyay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide.
Ujeedka socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah si uu uga qeyb galo Meertada 37-aad ee shir-madaxeedka Golaha Midowga Afrika, sida ay shaacisay Villa Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale gudbin doona mawqifka cad ee Soomaaliya ay ka taagan tahay faro-gelinta ka dhanka ah madax-banaanida iyo midnimadeeda dhuleed, xilli Itoobiya ay xad-gudub ka dhan ah kula kacday.
Socdaalka madaxweynaha ayaa siyaabo kala duwan looga fal-celiyay, ayada oo dadka qaar u arkaan inuu yahay mid lagu fududaaday, halka kuwa kalena ay qabaan in Soomaaliya aysan lumin fursad kasta oo fagaarayaasha caalamka ugu muujin karto mowqifkeeda ka dhanka ah Itoobiya
Tallaabadan oo lagu tilmaamay mid cajiib ah ayaa muujinaysa sida ay weli madaxweynaha iyo dowladdiisa ugu taagan yihiin mowqifkii adkaa ee ay ka qaateen xad-gudubka Itoobiya, islamarkaana lagu muujinayo in weli xurgufta labada dhinac ay halkeedii tahay.
Madaxweynaha ayaa khudbad uu ka jeedinayo Golaha waxa uu u ka shaqeyn doonaa iskaashiga dagaalka ka dhanka argagixisada, daris-wanaagga iyo in dalalka Afrika ay ka gudbaan caqabadaha nololeed iyo kuwa deegaan ee dib u dhigay nolasha shucuubta Qaaradda.
Inta uu socdo shir madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan-doceedyo la yeelan doona madaxda kala duwan ee dowladaha, ururrada iyo wufuudda muhiimka ah ee ka qeyb-galaya, isaga oo mudnaanta siinaya xoojinta xiriirka Soomaaliya la leedahay dalalka Afrika iyo danaha qaranka.
Villa Somalia oo qaaday tallaabo cajiib ah kadib markii uu Xasan ka degay Itoobiya
Villa Somalia ayaa sidoo kale bayaanka lagu daabacay boggeeda rasmiga ah ayaa ku xusin xubnaha garoonka Addis Ababa ku soo dhaweeyay madaxweyne Xasan, kaasi oo uu ugu meeqaam sareeyay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide.
Socdaalka madaxweynaha ayaa siyaabo kala duwan bulshada uga fal-celisay, ayada oo dadka qaar u arkaan inuu yahay mid lagu fududaaday, halka kuwa kalena ay qabaan in Soomaaliya aysan lumin fursad kasta oo fagaarayaasha caalamka ugu muujin karto mowqifkeeda ka dhanka ah Itoobiya