Digniin laga soo saaray diyaaradaha lagu khalkhal gelinayo hawada Soomaaliya

20-Feb-2024

Hay’ad fadhigeedu yahay dalka Mareykanka oo OPS GROUP lagu magacaabo ayaa sheegtay in jahwwreerka ka taagan maamulka Hawada Soomaaliya ay khatar ku tahay duulimaadyada diyaaradaha iyo bad-qabka dadka rakaabka ah.

OPS GROUP oo qaabilsan garoomada iyo duulimaadyada ayaa sheegtay inay diiwaangelisay ugu yaraan 10 dhacdo oo la kulmeen diyaarado marayay hawada dalka Soomaaliya mudo todobaad ah.

Waxay sheegtay hay’adda in diyaaradaha ay tilmaamo qaldan iyo macluumaad laga siiyay xarun laga koonatarool hawada oo waqooyiga Soomaaliya ku taalla.

Diyaaradaha ayaa khalkhal la geliyay kadib markii laga maran habaabiyay jihada duulimaadka oo loo sheegay macluumaad iska soo horjeeda.

Tani waxay sababtay in diyaarad Israel laga leeyahay gasho halis afduub ay ku sigatay iyadoo geli rabtay qad qaldan oo ka baxsan midkii ay ku duulaysan ee hawada Soomaaliya.

Diyaarado dhowr ah ayaa xiriiro lagala soo sameeyay xarunta maamulka hawada Hargeysa islamarkaana loo sheegay warbixino khalkhal ku beeray oo degitaankooda la xiriira.

Waa dhacdooyin halis ku ah hawada Soomaaliya oo sanado kahor dowlada lasoo wareegtay kadib 30 sano oo UN-ka Kenya ka maamulayay hawada wadanka.

Hay’adda duulista hawada Soomaaliya ayaa ku eedaysay Somaliland inay billowday falal lidi ku ah Diyaarada hawada dalka soo gala taasoo ka dhalan karta khatar wayn oo saameyn kara duulimaadka.

Hay’adda duulista hawada Soomaaliya ayaa ku eedaysay Somaliland inay billowday falal lidi ku ah Diyaarada hawada dalka soo gala taasoo ka dhalan karta khatar wayn oo saameyn kara duulimaadka.

Somaliland ayaa ku dhaqaaqday tallaabooyin aargoosi u muuqda kadib markii dhowr diyaaradood oo wafuud ka socoto dowlada Itoobiya iyo kuwa laga shakiyay ay hay’adda duulista Soomaaliya dhawaan hawada ka celisay una diiday inay Hargeysa ka degtaan.

Dowlad shisheeye oo aan magaceeda la xusin ayaa lagu eedeeyay inay ku lug leedahay khalkhal gelintada maamulka hawada Soomaaliya.

Arrimaha ayaa imaanaya xili xiisada ay u dhaxayso Soomaaliya iyo Itoobiya taasoo ka dhalay heshiiska badda uu Abiy Axmed la galay 1dii January Muuse Biixi Cabdi.

Leave a Reply