February 20, 2024
Mareykanka ayaa qiimeynaya in duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhan ah al-Shabaab ay ka fuliyeen Soomaaliya lagu dilay labo dhaqtar oo Cuba u dhashay, sida ay sheegtay kooxda argagixisada ah.
Mareykanka ayaa duqeyn ka fuliyay Khamiistii meel ku dhow degmada Jilib ee koonfurta Soomaaliya, sida laga soo xigtay Taliska Mareykanka ee Afrika, oo saldhig u ah ururka Al-Qaacida.
War qoraal ah oo ay faafisay kooxda sirdoonka ee SITE ayay Al-Shabaab ku sheegtay in duqeyn diyaaradeed oo Mareykanku ka fuliyeen guri ku yaalla magaalada Jilib ay ku dileen dhakhaatiir u dhashay Cuba oo lagu kala magacaabo Assel Herrera iyo Landy Rodriguez
Waa markii ugu horreysay oo Al-shabaab ay qirato inay gacanta ku hayaan labadan qof ee Cuba u dhashay kaddib markii ay kasoo afduubteen Waqooyi-bari Kenya ku dhawaad shan sano ka hor.
Afhayeen u hadashay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sheegtay inay ka war hayaan wararka sheegaya in laba qof oo rayid ah lagu dilay duqeymahaasi.
Talisku wuxuu sii wadi doonaa inuu qiimeeyo natiijooyinka hawlgalkan wuxuuna bixin doonaa macluumaad dheeraad ah sida la heli karo,” ayay Lennea Montandon ku tidhi hadal ay soo saartay.
Sarkaal ka tirsan difaaca Mareykanka ayaa sheegay in aysan jirin cadeymo lagu kalsoonaan karo oo muujinaya in ay jiraan dad rayid ah oo ku waxyeeloobay duqeynta, balse ay sii wadi doonaan “baaritaanka eedeymahan, anagoo si dhab ah u qaadaneyno dhammaan sheegashadaas.”
Labadan dhakhtar ayaa Al-Shabaab waxay ku qafaasheen gudaha Kenya bishii Abriil 2019 weerar bahalnimo ah oo ka dhacay meel u dhow xadka Soomaaliya.
Askari booliis ah oo la socday dhakhaatiirta ayaa ku dhintay weerarka. Dhakhaatiirtan ayaa la sheegay in ay wateen gaari ay leedahay dowladda, xilli ay ku sii jeedeen isbitaalka ay ka shaqeynayeen, markii la qafaashay.
Waqtigaas, Wasaaradda Caafimaadka Cuba waxay dhakhaatiirta u aqoonsatay Assel Herrera Correa, oo ku takhasusay caafimaadka guud, iyo Landy Rodriguez Hernandez, oo ah dhakhtar qalliin.
Kuuba iyo Kenya waxay heshiis ku gaadheen inay dhakhaatiir ka soo diraan Cuba si ay uga caawiyaan yaraanta xirfadlayaasha caafimaadka ee Kenya iyo inay gacan ka geystaan hirgelinta caymiska daryeelka caafimaadka caalamiga ah.
Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga in ka yar 500 oo askari, kuwaasoo dowladda Soomaaliya ka caawiya dagaallada ay kula jiraan xoogagga Al-shabaab oo ay ku jiraan weerarro lagu bartilmaameedsado Al-shabaab.
Mareykanka ayaa Al-Shabaab u aqoonsan Shabakadda Al-Qaacidda ugu weyn caalamka, waana mid ka mid ah kuwa ugu xooggan, kuwaasoo awood u leh inay weeraraan ciidamada Mareykanka iyo danaha Mareykanka.