Jidka uu Salva Kiir U Maray Aqoonsiga Iyo Jahwareeka Heysta Muuse Biixi (Warbixin )

21-Feb-2024

Jidka uu Maray Salva Kiir Iyo Jahwareeka Heysta Muuse Biixi ( Warbixin )

Hogaamiyaha Dhaqdhaqaaqa gooni u goosadka gobolka Waqooyiga Somalia ee Somaliland Muusa Biixi Cabdi oo kiciyay xiisad dhexmarta Somalia iyo Itoobiya ayaa isku dayaya in uga sii daro xaalad kasta oo Isu soo dhawaansho iyo wadajir u horseedi karta dadka Soomaaliyeed ee ku nool geeska Africa

Muuse oo aan aqoon badan u laheyn wax ka baxsan ciidamada ayaa ku haftay siyaasadda isaga oo qibrad la,aantiisa iyo sii dheereynta xukun heysigiisa, ay galisay dagaal ay ku sii kala jajabaan bulshada gobolada waqooyi oo tan iyo 1991-dii sheegayay inay ka go,een Somalia Inteeda kale.

Taariiqda waxaan ku baranaya in kala tagistu ay ka timaado isfaham buuxa oo dhexmara labadii horey u midoowday balse jawaabta ku filan jahwareeka Muusa Biixi ka heysta jihada ay ka jirto aqoonsiga ayaa ah in uu dib u qooraansado sida Itoobiya ay bad la,aan ku noqotay.

Itoobiya ayaa sii deeysay Eritrea si ay u qaadato xornimadeeda 1993 iyadoo Ogolaanshihii Albashiir uu Kala Qeybiyay Sudaneska

“Cidda ugu horreysa ee Taageeraya kala guurka Sudan Waa Aniga sidaas waxaa ku dhawaaqay hogaamiyihii suudaantii mideysneyd ee Cumar Al-Bashiir”

Madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Al-Bashiir ayaa isagoo ku sugan magaalada Yambio ee gobolka Galbeedka Equatoria ka sheegay in uu noqon doono qofka ugu horreeya ee taageera dadka reer Koonfureedka ah haddii ay u codeeyaan gooni isu taagg xili uu ku sugnaa xafladii sanadguurada shanaad ee heshiiskii nabada ee Comprehensive Peace (CPA)

Sidoo kale, Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Suudaan, hadna ah Madaxweynaha haya talada Koonfurta Suudaan, Salva Kiir Mayardit, ayaa sheegay xilligaas in Waqooyiga iyo Koonfurta ay sii wadi doonaan inay si wadajir ah u wada shaqeeyaan haddii ay kala tagaan xitaa – ha noqoto dhul ama qaybsiga kheyraadka saliidda.

“Ma kuu sheegi karo in aan ogahay iyo in kale natiijada aftida, laakiin haddii Koonfurta Suudaan ay u codeeyaan in ay ka go’aan waqooyiga, uma wareejin doonto Koonfurta iyo waqooyiga midkoodna badweynta Hindiya ama Atlantic,” ee waxay ahaanayaan walaalo daris ah ayuu yiri Mr. Kiir oo 9kii July 2011, South Sudan u kaxeeyay in ay noqoto waddankii 54aad ee africa.

Muusa Biixi Meeshuu U Lumay Ma Jid Buu, Moodey

Ismoogeysiinta waqiciga ayaa ku xambaarey Meel aaney ka jirin aqoonsi ka raadinta Muusa Biixi , iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh uu soo afjaray Iskudeygii Itoobiya ay ku damaacisay badda

Albaabkii Damaaciga Itoobiya ee Badda Somalia Oo Soo Xirmay

Tallaabada taariikhi ah oo ay qaaday DFS labada gole iyo xukuumadda Dan_Qaran ayaa xoojinaya xiriirka saaxiibka wanaagsan ee Somalia inta ay ka dhisaneyso awoodeeda badda waqtigan adag

Turkigu waxa uu xulafo xiriirka adag kala dhaxeey qarankeena ahaa mudo dheer, oo ka soo bilaabaneysa ilaa qarnigii 14aad sidaas waxaa yiri Madaxweybe Xasan Sheekh

Raysilwasaaraha Somalia Xamsa Cabdi Barre” ayaa tilmaamay ahmiyadda uu ku fadhi heshiiska iskaashiga Military iyadoo horumarinta Dhaqaalaha Buluugga ahi uu u noqon karo il shaqo iyo awood dhaqaale oo ay helaan dhalinyaradeena Soomaaliyeed ee ay wajahay dhibaatooyinka cajiib ah tiiyoo dhinaca kalana ahTalaabo Niyad ku ah damaca Itoobiya.

Madaxweynaha oo saxaafadda kula hadlay xarunta Madaxtooyada ayaa sheegay in badda Soomaaliya ay ka jiraan xad gudubyo badan oo ay ka mid yihiin kalluumeysi sharci darro ah, in ay isticmaasho argagixisada, burcad badeeddu ay ka duusho,wasaqdana lagu qubo, balse haatan ay heleen cid ay ku aaminaan.

Leave a Reply