22-Feb-2024
Horjoogayaasha Argagixisada Alshabaab oo aragtidooda kula Midoobay Itoobiya iyo maamulka Somaliland ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin heshiiska Somalia Iyo Turkiga ee difaaca Badda Somalia”
Afhayeenka Argagixisada Al-Shabaab Cali Dheere ayaa soo saaray farriin uu kaga hadlayo heshiiska difaaca badda ee Soomaaliya ay la gashay Turkiga, isagoo cadeeyey inay si adag uga soo horjeedaan heshiiskaas.
Cali Dheere ayaa sheegay in Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi aysan waxaba ku kala duwaneyn, maadaama labaduba ay badda ku kala wareejiyeen dowladaha Turkiga iyo Itoobiya.
Wuxuu ku dheeraaday muujinta naceybka ay Shabaab u qabaan Turkiga, isagoo heshiiskaan oo ah ‘mid difaac’ ku macneeyey ‘mid badda lagu siiyey Turkiga.’
Afhayeenka Al-Shabaab wuxuu ku andacooday in Turkigu ay horey u qabsadeen qeybo badan oo dalka ka mid ah, sida garoonka Aadan Cadde iyo Dekedda Muqdisho, “Turkigu wuxuu dalka ka sameystay saldhigii ugu weynaa ee dunida ay ku yeeshaan meel dalkooda ka baxsan,” ayuu yiri Cali Dheere.
Isagoo sii hadlaayey wuxuu sheegay in Turkigu uu la wareegay ganacsiyadii Muqdisho, isla markaana uu yeeshay ciidamo iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed oo taageera danihiisa Soomaaliya.
“Dadka qaar waxay ku doodayaan in Xabashida iyo Turkiga ay kala duwan yihiin oo Turkigu yahay dal islaam ah oo ilaalinaya xeebaha Soomaaliya, balse Turkiga loogama baran taas horay ayuu gaalada uga difaaci diiday dalal ay ku jiraan Falastiin iyo Suuriya,” ayuu yiri Cali Dheere.