Daawo: War-murtiyeedka laga soo saaray Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho

17-May-2024- Muqdisho

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo muddo afar maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho ayaa la soo gebagebeeyey, waxaana laga soo saaray warbixin ku saabsan amniga, siyaasadda iyo arrimaha bulshada oo ay ka mid yihiin dhibaatooyinka cimilada.

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) oo uu guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud

GWQ ayaa kulankooda ku dhagaystay warbixino faahfaahsan oo taabanaya dhinacyo badan oo xaalada dalka ah. Sidoo kale GWQ wuxuu ka hadley ajandeyaal masiiri ah oo ay ka mid yihiin la-dagaallanka argagixisada, qorshayaasha qaranka ee dhinaca aminga, dhameystirka Dastuurka KMG, geedi-socodka dimuqraadiyadeynta, saameynta roobabka iyo qodobo kale.

2. GWQ wuxuu warbixin balaaran ka dhagaystay Hoggaamiyaha ku-meelgaadhka ah SSC­ Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, hoggaamiyaha oo golaha uga warbixiyay xaaladaha amni iyo bulsho ee SSC-Khatumo.

    GWQ wuxuu Xafiiska Aminga Qaranka ka dhagaystay warbixin qoto-dheer oo ku saabsan guushii laga gaadhay cunaqabtayntii mudada 32 Sano ah saarnayd dalka, sidoo kale Xafiiska Aminga Qaranka wuxuu goloha uga waramay masuuliyada maaraynta hubka, khataraha qaranku waajahayo, iyo qorshaha dowlada ay dajisay kadib bixitaanka ciidanka ATMIS.

    GWQ wuxuu Taliska Ciidanka Xooga dalka ka dhagaysatay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan qorshaha dalka looga sifaynayo Khawaarijta

    GWQ wuxuu warbixin ku saabsan barnaamijka xasilinta deegaanada laga xoreeyay argagixisada ka dhageystay Xukuumadda.

    1. Bogaadin

    GWQ waxaa uu bogaadiyay guulaha ay ciidanka qalabka-sida oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed ka gaareen ciribtirka kooxaha argagixisada ee khawaarijta.

    GWQ wuxuu Xukuumada Federaalka ku bogaadiyay guulaha ay ka gaadhay arimaha dayn cafinta, dhaqaalaha, ka mid noqoshada Urur-goboleedka Bariga Afrika iyo siyaasada arimaha dibada.

    Goluhu wuxuu bogaadiyay ansixinta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee afarta cutub ee Dastuurka KMG.

    GWQ wuxuu sidoo kale dawalada ku bogaadiyay dadaalka ay ugu jirto ka mid noqoshada Goloha Amaanka ee Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa.

    1. Go’aamada shirka ka soo baxay

    GWQ wuxuu si qoto-dheer u falanqeeyay xaalada aminga, siyaasda, iyo xaalada bini aadnimo ee dalku marayo. Sidoo kale GWQ isaga oo tixraacaya heshiisyadii iyo war-murtiyeedyadii shirarkoodii hore, wuxuu ku heshiiyay qodobada soo socda:

    4.1 Sugidda amniga iyo la dagaalanka argagixisada

    GWQ wuxuu markale isku raacay in aminigu uu udub-dhaxaad u yahay qorshayaasha dawalad-dhiska iyo horumarinta dalka.

    Golohu wuxuu ku heshiiyay in si wad-jir ah looga wada qayb-qaato la dagaalanka Khawaarjita, islamarkaana la laba jibaaro gulufka lagu afjarayo nabadiidka.

    Golohu wuxuu taageeray dadaallada ay Xukuumadda Federaalka ku dardargelinayso qorshaha kala guurka ee ciidamada qalabka-sida iyo talaabooyinka ay kula-wareegayaan mas’uuliyadda amniga dalka kadib bixitaanka ciidanka ATMIS.

    4.2. Dhameynstirka dib-u-eegista dastuurka iyo xoojinta dimuqraadiyeynta

    Goluhu wuxuu isku raacay in la dardargeliyo dhaqan-gelinta heshiisyadii horay loo galay.

    Goluhu wuxuu ku dhiiri galiyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya inay dardargeliyaan ansixinta cutubyada harsan ee Dastuurka iyadoo la tixgelinayo heshiisyadii GWQ ee kaabayay dhameystirka Dastuurka.

    GWQ wuxuu Xukuumada Federaalka iyo hay’adaha sharci dajinta ku dhiiri galinayaa dardargalinta sharciyada, xeerarka iyo hay’adaha ka ratibmaya ansixinta afarta cutub ee dastuurka si dalka ay uga taaba gasho doorasho hal qof iyo hal cod ah.

    4.3. Arrimaha bani’aadamnimada

    GWQ wuxuu qiimeeyay saameynta ay shacabka Soomaaliyeed ku yeesheen roobabka xooggan ee ka da’ay qaybo ka mid ah dalka.

    GWQ wuxuu hay’adaha gargaarka ee heerarka dawladda farayaa dardargelinta gurmadka dadka ay waxyeeladu soo gaartay wuxuuna. shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay isu gurmadaan.

    GWQ wuxuu hay’adaha caalamiga ah ugu baaqayaa iyo kuwa maxaliga ahba in ay gacan siiyaan dadka ku tabaaloobay fatahaadaha xad dhaafka ee saameeyay qayb ka mida dalka.

    Sidoo kale GWQ wuxuu Xukuumada iyo hay’adaha caalamiga ah ku dhiiri galinayaa inay si wada jira uga shaqeeyaan ka hortaga iyo maaraynta saamaynta isbedelka cimilada.

    Leave a Reply