Maxay tahay musiibada cusub ee ku soo wejahan gobollo ka mid ah Soomaaliya?

21-May-2024″BBC” Meelo ka mid ah xeebaha Soomaalida ayaa waxaa kusoo fool leh dabaylo xawaare sare ku socda kuwaas oo geysan kara dhibaatooyin kala duwan, sida ay ku warramayaa haayadaha ka shaqeeya saadaasha hawada.

Dabaysan oo magaceeda lagu sheegay Laali ayaa ku soo beegan dhanka koonfurta Soomaaliya gaar ahaan xeebaha Jubbaland.

Duufaantan ayaa ahayd mid la rejaynayey in ay yaraan doonto, waxaad se mooddaa hadda sida ay sheegayaan madaxdu in ay weli socoto, taas oo xawaaraha ay jaraysaa la sheegay in uu yahay 100km saacadii.

Guddoomiyaha Haayadda Maaraynta Masiibooyika Soomaaliya, Maxamuud Macallin Cabdille oo diginiin u diray shacabka ka ag dhaw meelaha duufaantani saamayn doonto

.

Masiibooyinka waxaannu kala shaqayn doonnaa maamulka Jubbaland sidii looga gaashaaman lahaa loona yarayn lahaa khasaaraheeda” ayuu Maxamud macallin.

Duufaantan ayaa waxa ay noo jirtaa illaa 240 km, maalmaha soo aadan waa filaynaa. Wixii loo gaadho berriba waa filaynaa” ayuu yidhi guddoomiye Maxamuud Macallin.

Soomaaliya ayaa muddooyinkii danbe gashay xaalad isbeddel cimilo ah oo aad u daran, iyada oo la kulantay abaartii ugu dheerayd muddo afrtan sano ah oo sannadkii 2022 dhammaatay.

“Xaalad adag ayaannu wejahaynaa waa se dedaalaynaa” ayuu yidhi Guddoomiye Maxamuud Macallin, oo sheegaya sida ay u qalab yar yihiin sida oo kalena muddoyinkii danbe uu waajahayaan masiibooyin joogto ah.

Waddammada Bariga Afrika ayaa wejahay duufaantii labaad Bishan gudaheeda.

Xilli duufaantii hore ee Hidaaya ay keentay roobab waaweyn oo meelo badan oo geeska ah khasaare ka geystay, kuwaas oo dhimasho iyo hanti badaniba ku baaba’day.

Ku talagalkayga haddaanu haayadda Maaraynta Masiibooyinka waxaannu kala shaqayn doonnaa maamulka Jubaland sidii looga gaashaaman lahaa loona yarayn lahaa khasaaraheeda” ayuu Maxamud macallin.

Deeganno badan oo dhulka Soomaalida ah ayaa haddaba la sii daalaa dhacaya daadad iyo fatahaado ka dhashay roobab mahiigaanno ah oo da’ay.

Ma ahan markii koobaad ee duufan ay ku dhufato dhulka Soomaalida, bishii Nofembar ee 2013kii ayay ahayd markii ay duufaan waxyeelo baaxadleh ka gaysatay deegaannada Puntland iyada oo la sheegay in ay malaayiin xoolo ah ku le’deen.

.

Waa maxay Duufaan?

Sida ay sheegtay Waaxda Saadaasha Hawada ee Adduunka, duufaan ba’an waa mid si xooggan u socota kana soo bilaabata badaha.

Dufaanada xooggan ee Badweynta Hindiya kasoo bilawda ayaa ka xoog badan kuwa caadiga ah.

Waaxda Meteo France La Reunion, ayaa ku magacaabay Hidaaya kadib markii ay ka waraheleen inay kasoo bilaabatay galbeedka iyo waqooyi galbeed intii u dhaxeysay May 2 deedii ilaa 4teedii, sanadkaan 2024 ta.

Duufaantii ugu dambeysay ee ku dhufatay Tanzania ayaa ahayd 1952 dii waxayna ku dhufatay gobolka Lindi ee xeebta koofureed ee Tanzania.

Sidoo kale duufaantii ugu dambeysay ee ku dhufata Zanzibar waxay ahayd 1872 kii saameynteeda ayaana gaartay dhulweynaha Bagamoyo, ee waqooyiga Dar Es Salaam.

Haddii duufaanta Hidaaya ay gaarto, waxay noqon doontaa markii ugu horreysay taariikhda ee Dar Es Salaam ay ku dhufato duufaan.

Sanadihii lasoo dhaafay, Tanzania waxaa ku dhuftay labo duufaan oo kale, sanadkii 2019 Duufaanta Kenneth ayaa la saadaaliyay inay ku dhufan doonto gobolka Mtwara balse jihada ayay beddelatay waxayna caga dhigatay Mozambique.

Sanadkii 2021, Duufaanta Jobo ayaa laga digay, balse ma aysan sababin wax musiibo weyn ah.