Soomaaliya Iyo Heshiis Is Afgarad Oo Kalluumeysiga Ah La Gaartay Cummaan

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Axmed Xasan Aadan ayaa is afgarad (MoU) la saxiixday dhigiisa wasiirka Beeraha, Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Biyaha ee Cumaan Dr. Saud bin Hamoud Al Habsi.

Is afgaradkaan ayaa muujinaya kaalinta dowladda Cumaan ee horumarinta Kalluumeysiga gudaha iyo sida ay laba dowladood u yeelan karaan iskaashi dhinaca Kalluumeysiga ah, Is afgaradkaan ayaa shaqeynaya muddo sannad ah waxaana la cusbooneysiin doonaa sannad walba si loo hubiyo loona xoojiyo iskaashiga dhinaca Kalluumeysiga ah ee labada dal.

Heshiiskan is afgaradk ah ayaa sidoo kale xoojinaya sii amba qaadidda dadaalka joogtada ah ee lagu ballaarinayo hannaanka iskaashiga labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Saldanada Cumaan.