7 caruur ah ayay baddu qaaday Soomaaliya xilli laga cabsi qabo duufaanta Lali

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalo xeebeedka Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ee Soomaaliya, 7 caruur ah ayay qaaday baddu maanta, sida ay noo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Laba ka mid ah caruurta ayaa la sheegay in la soo badbaadiyay, halka mid kalana maykiisa laga soo saaray biyaha. Afar kale ayaan ilaa iyo hadda raq iyo ruux meelna lagu sheegin, sida uu BBC da u sheegay Cabdalla Bashiir Cabdi oo ka mid ah oday dhaqmeed magaalada Marka.

Labada caruurta ah ee la soo badbaadiyay ayaa qushoodu ku jira xaalad caafimaad, waxaana lagu dabiibayaa isbitaal ku yaalla magaalada Marka.

Maalinta Jimcaha ah oo Soomaaliya ka ah fasax, ayaa la sheegay in caruurta oo dugsiyadii waxbarshada ay u xirnaayeen ay u damaashaad tageen xeebta.

Banooni ayay ku ciyaaraayeen badda, waa ay kululaadeen, badda ayay galeen. Hirka dhacaayay ee biyaha ayaa horay u dafay”, ayuu yiri Cabdalla Bahsiir oo BBC da ala hadlayay.

Laba ka mid ah caruurta ayaa la sheegay in ay walaalo ahaayeen.

Dadka ka shqeeya badaha, gaar ahaan xeebaha koonfureed ee Soomaaliya, ayaa waxay sheegeen in marka la gaaro bisha shanaad ee sanadka ay baddku kacdo, aysanna dadku ku dhiiran in ay galaan badda.

Cabdalla, oo ah 63 jir, in ka badan afartan sano oo noloshiisa ah ku qaatay Marka, ayaa waxa uu sheegay in baddu horay u qaai jirtay dad badan, xilliyada sanadka ee la gaaro bisha shanaad ilaa bisha July.

Cabsida laga qabo duufaanta Lali

Sida ay baahisay hay’adda Musiibooyinka Qaranka ee Soomaaliya, waxaa laga cabsi qabaa in gobolada koonfurta ee saaran xeebta ay ku soo fool leedahay duufaan xoogan oo lagu magacaabo Lali, taas oo ku dhufatay qaar ka mid ah xeebaha dalalka Bariga Afrika.

“Xaalad adag ayaannu wejahaynaa waa se dedaalaynaa” ayuu yiri Maxamuud Macallin, Gudoomiyaha hay’adda oo sheegaya sida ay u qalab yar yihiin sida oo kalena muddoyinkii danbe ay u waajahayaan masiibooyin joogto ah.

Balse dadka deegaanka Marka ayaa sheegay in aysan wali arki duufaan xooggan oo ka duwan wixii ay horay u arki jireen, xilli ay ka war hayaan warka ay baahisay dawladdu.

Cabdalle ayaa sheegay in wali bulshada Marka u baahan tahay wacyi galin dheeraad ah oo ay uga gaashaantaan duufaanta laga cabsi qabo.

Duufaantan cusub ee Laali ayaa la soo werinayaa in ay ka soo baahday badda Hindiya si gaar ah xeebaha dhanka waddanka Seychelles.

Sida ay sheegtay Waaxda Saadaasha Hawada ee Adduunka, duufaan ba’an waa mid si xooggan u socota kana soo bilaabata badaha.

Dufaanada xooggan ee Badweynta Hindiya kasoo bilawda ayaa ka xoog badan kuwa caadiga ah.

Soomaaliya ayaa muddooyinkii danbe gashay xaalad isbeddel cimilo ah oo aad u daran, iyada oo la kulantay abaartii ugu dheerayd muddo afrtan sano ah oo sannadkii 2022 dhammaatay

Soomaaliya ayaa muddooyinkii danbe gashay xaalad isbeddel cimilo ah oo aad u daran, iyada oo la kulantay abaartii ugu dheerayd muddo afrtan sano ah oo sannadkii 2022 dhammaatay.

Waddammada Bariga Afrika ayaa wejahay duufaantii labaad Bishan gudaheeda.

Leave a Reply