Fanaanada caanka ah ee heesta ku soo ammaantay gabdhaha Soomaalida oo la xiray

26- May-2024- BBC

Taageerayaasha Nicki Minaj ayaa aad uga carooday ka dib markii fannaanadan caanka ah ee reer Mareykan uu daqiiqadihii ugu dambeeyay baaqday bandhig faneed ay ku qaban rabtay magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska.

Arrintan ayaa loo sababeeyay kaddib markii lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Schiphol ee magaalada Amsterdam ee dalka Netherlands.

Minaj ayaa la xiray iyada oo looga shakisan yahay in ay dhoofineysay daroogooyinka fudud ka hor inta aan la ganaaxin oo loo ogolaan in ay sii wadato safarkeeda, sida uu sheegay booliiska Holland.

Si kastaba ha ahaatee, uma aysan suurogelin in Manchester ay timaaddo waqtigii bandhigeeda loo asteeyay, taas oo sababtay in dib loo dhigay iyadoo ku dhawaad 20,000 oo taageere ay ku sugnaayeen fagaaraha oo sugayay inay masraxa gilgisho.

Waxaa ka mid ahaa Imogen Pope, 18, oo ka timid Newton-le-Wilows ee Merseyside, oo sheegtay inay “aad isugu soo qurxisay bandhigga oo uu kharash ka soo baxay”.

“Waxaan tigidkeyga ku kharash gareeyay £150 Pound waxaana shaqada ka qaatay maalin fasax ah, waxaanan fadhinay halkaas ilaa saddex saacadood oo aan sugaynay waxaana naloo sheegay inaysan dhacayn,” ayay tiri. “Waan murugooday.”

Arrintan ayaa loo sababeeyay kaddib markii lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Schiphol ee magaalada Amsterdam ee dalka Netherlands.
Qoraalka sawirka,”Waxaan tigidkeyga ku kharash gareeyay £150 Pound waxaana shaqada ka qaatay maalin fasax ah, waxaanan fadhinay halkaas ilaa saddex saacadood oo aan sugaynay waxaana naloo sheegay inaysan dhacayn,” ayay tiri. “Waan murugooday.”

Ellis Day, oo 17 jir ah, kana soo jeeda Cheshire, ayaa sheegay in uu “gabi ahaanba aad u murugooday”.

“Waxaan halkan nimid waqti hore, waxaan maalin ku qaadanay dhan diyaar garow, si aan qeyb uga noqono bandhigaan.

“Runtii waa niyad jabnay markii aan helnay farriintaas oo daqiiqadihii ugu dambeysa naloo sheegay inaysan Minaaj imanaynin.”

Fanaanada caanka ah ee Nicki Minaj ayaa dabayaaqadii sannadkii tagay ee 2023 soo saartay hees baraha bulshada Soomaalida qabsatay gaar ahaan TikTok iyo X oo horay oo loo oran jiray Twitter.

Heestan oo ka mid ahayd albamkeedii soo baxay 8-dii bishii Deseember ee 2023-kii ayaa waxaa ka mid ahaa ereyo ay ku ammaaneyso gabdhaha Soomaalida taas ayaanaa keentay in gabdho badan oo Soomaali ah oo qurbo jog u badan inay isku soo duubaan heestaan.

Ereyada heestaan raabka ayaa waxaa ka mid ah qeyb ay gabdhaha Soomaalida ay ku tilmaameyso inay qurux badan yihiin waana qeybta soo jiidatay hablaha ee sababtay inay ka daba-dhacaan. lookin’ just like a dolly “lookin’ just like a dolly With a pretty Somali”

Heestaan oo ay si weyn uga falceliyeen gabdhaha Soomaalida ayaa waxa laga dareemayay inay filan waa ku noqotay dhallinyarada inay fanaanaddan albamkeeda ku soo hadal qaado magaca ” Somaali” ay amaan dul dhigto gabadhaha.

Maxaad ka taqaanaa Nicki Minaj?

Nicki Minaj waa fannaanad caan ku ah heesaha Raabka ama Hip-Hop-ka. Waxay soo shaacbaxday 2010-kii.
Qoraalka sawirka,Nicki Minaj waa fannaanad caan ku ah heesaha Raabka ama Hip-Hop-ka. Waxay soo shaacbaxday 2010-kii.

Nicki Minaj waxay 2010-kii masraxa la soo timid heestii raabka ahayd ee Friday Pink, wakhtigaas oo dumarka heesaha raabka qaado ay ka maqnaayeen masraxyada. Tan iyo markaas, waxay soo qaaday 133 hees oo ay ka mid yihiin Starships, Anaconda iyo Super Freaky Girl.

Ciyaarteedu waa mid cajiib ah, waana fanaanad caan ah.

Waxay sidoo kale aad ugu wanaagsan tahay dhanka raabka. Waxay qabatay shaqo fiican waxayna dhistay taageereheeda gaar ahaan jiilka hadda iyo kan soo socdaba.

Nicki Minaj oo magaceeda caadiga yahay Onika Tanya Maraj-Petty ayaa waxay dhalatay 8-dii bishii December 1982. Waxay ku dhalatay jasiiradda Trinidad and Tobago oo ah waddan u dhow Venzuela haatan waxay ku nooshahay Mareykanka. Waxaa lagu naaneysaa boqoradda Raabka.

Heesaheeda waxay ka mid yihiin kuwa aad loo iibsado oo waxaa la sheegay in ilaa 100 milyan oo doolar laga iibsaday guud ahaan adduunka.

Aabaheed oo isna ahaa fannaan qaada heesaha qaddiimiga ah ee qowmiyaddooda Tirinidadian. Robert Maraj waxa uu dhashay 1956-dii.

Hooyadeed ayaa sidoo kale ahayd fanaanad qaadda heesaha kaniisadaha laga qaado. Sidoo kale waxay u soo shaqeysay xisaabiye ahaan.

Bishii Febraayo 2021, Minaj aabbeheed, Robert Maraj, ayaa dhintay isagoo ku socda waddo ku taal shasiiradda ka dib markii uu gaari jiiray.
Qoraalka sawirka,Bishii Febraayo 2021, Minaj aabbeheed, Robert Maraj, ayaa dhintay isagoo ku socda waddo ku taal shasiiradda ka dib markii uu gaari jiiray.

Nicki Minaj waxaa la dhashay wiil iyada ka weyn lagu magcaabo Jelani iyo mid kale oo yar oo la yirahdo Micaiah iyo sidoo kale gabar ka yar oo la yirahdo Ming.

Waxay la soo shaqeysay shirkado dhowr ah oo ay ka mid tahay Brooklyn group Full Force.

Bishii Febraayo 2021, Minaj aabbeheed, Robert Maraj, ayaa dhintay isagoo ku socda waddo ku taal shasiiradda ka dib markii uu gaari jiiray.

Waxay sheegtay inay ku dayato fannaaniin ay ka mid yihiin Lil Wayne, Foxy Brown, and Jay-Z kuwaas oo ay sheegtay in iyaga la’aantood aysan waxba noqoteen.

Tallaabooyinka ay qaadday Nicki Minaj o o aadka loogu xusuusuto waxaa ka ka mid ah markii 2019-kii ay baajisay bandhig lagu casuumay oo ka dhacayay dalka Sacuudiga, iyadoo sheegtay inay dooneyso inay taageero u muujiso xuquuqda dumarka iyo dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda.

Talaabadan ay ku baajisay ka qeyb galka bandhiga ka dhacaya magaalada Jeddah ayaa timid, kadib markii dad ay walaac ka muujiyeen rikoorka ka yaala dalkaasi oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Dadka qaar ayaa su’aalo iska weydiinayay sida ay uga soo hor muuqan doonto boqortooyada lagu yiqaano asturnaanta iyo illaalinta dhaqamada diinta islaamka, maadama ay fanaanadan baneyso qeybo badan oo jirkeeda ka mid ah.

Leave a Reply