James Swan oo mar kale loo magacaabay Somalia ayaa maanta Muqdisho gaaray

26- May-2024

James Swan oo ah ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho.

Mr. Swan oo sidoo kale ah madaxa Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa sida ay Qaramada Midoobay sheegtay diirradda saari doonaa in uu dowladda Soomaaliyeed ka taageero in ay horumariyaan arrimaha nabadda, amniga, horumarinta iyo qaran-dhisidda.

Mr. Swan waa diblomaasi waayo arag ah oo muddo-dheer ka soo shaqeeyay dalalka Afrika ee wajahaya isbeddelo siyaasadeed oo adag.

Markii ugu dambeysay, Mr. Swan wuxuu ahaa Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa UNSOM laga soo bilaabo 2019 ilaa 2022