Horjooge sare oo ka tirsanaa Argagixisada Alshabaab ayaa maanta u soo gacangalay Ciidamada Dowlada

May 30, 2024″ Call Guudow Maadey oo Al-Shabaab dhexdeeda looga yaqaano Cali Dheere ayaa Taliska qeybta 60-aad ciidanka xoogga dalka Soomaliya Dheeho.com

Cali Dheer ayaa sheegay in u tababarro kala duwaan ku soo qaatay goboladda Baay iyo Jubbada Dhexe, isagoo intaas ku daray in u dagaallo dhowr ah oo ka dhacay qeybo kamid ah goboladda Hiiraan, Galgaduud iyo qaar kamid ah Koonfurta Mudug ay argagixisada ku soo qaaday u ka qeyb qaatay.

Haatan ayuu isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka ee ku sugan deegaanka Goof-gaduud Buurey oo ka tirsan gobolka Baay

Cali Guudow Maday ayaa ugu dambeyntiina saaxiibadiis ugu baaqay inay kasoo tagaan duurka ay jiraan oo ay isku soo dhiibaan laamaha amniga dalka.

Dowladda ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigaysay xubno ka tirsanaa kooxda oo isku soo dhiibay, kuwaasi oo inta badan sheega in lagu qalday fikrad Diimeed ay salkeeda soo taabteen in aysan waxba ka jirin iyo inay u adkeysan waayeen gulufka ay kooxda wajaheyso.

Si kastaba, Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa kooxda looga saaray deegaano horleh, inkasta oo ay weli ku sugan yihiin qeybo kamid ah dalka, xilli uu dib u dhacay wejiga labaad ee dagaalka oo horey dowladda u sheegtay inay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

Leave a Reply