Daawo:Madaxweynaha Hirshabelle Oo Degmo Ka Dhigay Magaalada Geri_jir

31-May-2024″ Madaxweyne Gudlaawe “ Degmada Geri-jir waxa ay heshay wixii ay mudneed, waana in aad xoojisaan kaalintiina Dowladnimo.”

Madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa xalay ka qeyb-galay munaasabad ay soo qaban-qaabiyeen maamulka degmada Matabaan, taas oo ka dhacday xarunta degmada

Shacabka degmada Matabaan ayaa ka mahad-celiyay taariikhda uu u sameeyay Madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe.

“Waxaad na tusteen heer aan qiyaas laheyn oo la xariira dowladnimada Hirshabeelle. Waxaan hambalyo leeyahay bulshada Geri-jir oo ay u ansixiyeen golaha wasiirrada dowladda HirShabelle degmanimo,” ayuu yiri nadaxweynaha HirShabelle.

Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa guul iyo barwaaqo u rajeeyay shacabka uu xalay kula kulmay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Golaha Wasiirrada dowlad-goboleedka HirShabelle ayaa shalay ansixiyay degmanimada Geri-jir, kadib shir aan caadi aheyn oo golaha ku yeeshay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Wasiirka arrimaha gudaha maamulka ayaa golaha geeyay hindise degmo loogu aqoonsanayo Geri-jir oo soo buuxisay shuruudihii degmo-nimo, iyadoo golaha xukuumada ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen in Gerijir ay kamid noqoto degmooyinka maamulka HirShabelle.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa ugu dambeyntiina bogaadiyay maamulka iyo bulshada reer Matabaan ee muujiyay midnimo iyo wadajir kana faa’iideysatay mashaariicda waxtarka u leh bulshada deegaanka.