QATAR oo ballan-qaad cusub u sameysay DF Soomaaliya

2″ June “2024” Muqdisho ” Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ballan-qaad cusub ka heshay dowladda Qatar, kadib kulan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle oo xarunta dhexe ee SODMA kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Qatar u jooga Soomaaliya, Dr Cabdullahi Binu Salem Al Nuaimi, ayaa waxay Qatar ku ballan-qaaday in mashaariic cusub ka hirgelin doonta dalka.

Kulankaan oo looga hadlay waxyaabaha ka fulay mashariicdii ay dowladda Qatar hay’adda u ballanqaadday, dhameestirka waxa ka dhiman ayaa waxa uu safiirka ku wargeliyey in ka dowlad ahaan hay’adda ay la fulin donaan mashaariic cusub oo hor leh.

Mashaariicdan cusub ee Qatar ay dhaqaale maaliyadeed ku taageerayso ayaa waxaa kamid ah adkaysiga aafooyinka, soo kabashada iyo xalalka waara, sida ay shaacisay hay’adda maaraynta musiibooyinka qaranka ee SODMA.

Mashaariicdaan ayaa hay’adda SODMA waxay ka saacidi doonaaan helista gadiidka gurmadka deg-degga ah, diyaarinta goobaha biyo keydinta, qodista ceelal biyoodyo iyo in gargaar la gaarsiiyo barakacyaasha dib u dajina loo sameeyo goobihii ay ka yimaadeen.

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiiboyinka qaranka Maxamuud Macallin ayaa uga mahad-celiyay dowladda Qatar garab istaaggeeda walaalnimo, waxaana intaas kadib kormeer ku tageen xarunta qaran ee ka digista halis-wadareedka hay’adda.

Qatar ayaa kamid ah dalalka Carbeed ee taageera Soomaaliya, waxayna ka fulisa dalka mashaariicyo kala duwan, iyada oo sidoo kale ka qayb qaadata taageerada ciidamada iyo dhanka arrimaha bani’aadanimada ee Soomaaliya.