Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka soo horjeestay qorshaha dowladda federaalka ay ku dooneyso in dalka looga saaro ciidamada Itoobiya

2″ June-2024″ Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay qorshaha dowladda federaalka ay ku dooneyso in ciidamada Itoobiya dalka looga saaro dhamaadka sanadka 2024-ka

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka horyimid qorshaha dowladda Federaalka ay ku dooneyso in ciidamada Itoobiya dalka looga saaro dhamaadka sanadka 2024-ka, markaasoo howlgalka AMISOM uu si rasmi ah u dhamaanayo bisha December.

Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa barteeda X (Ex-Twitter) ku sheegtay in maamulka Koonfur Galbeed uu la socdo shaqsiyaadka dadka ku marin habaabinaya shaqada Ciidamada Itoobiya ay ka wadaan deegaanada maamulkaasi.

“Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan howlgalka ATMIS-ka waxaa u saaran howl adag, waan uga mahadcelineynaa sida ay uga qeyb qaateen howlgalka nabad ilaalinta, wayna sii joogi doonaan, kaalintoodana way ka qaadan doonaan” ayay tiri Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed.

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali, ayaa Sabtidii sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan u qaadan karin Itoobiya inay gacan ka siiso horumarinta nabadda iyo ammaanka gobolka, ilaa iyo inta Itoobiya ay ku xad-gudbi doonto madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Xuseen Sheekh Cali ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ciidamo cusub oo ka socda dalalka Jabuuti, Kenya, Uganda, iyo Burundi ay imaan doonaan Soomaaliya marka ay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ka baxaan Soomaaliya. Wuxuu carabka ku adkeeyay in ciidamada Itoobiya aysan ka mid noqon doonin ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgala dalka marka uu dhamaado howlgalka ATMIS-ka.

Xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa aad u xumaaday tan iyo 1-dii bishii Janaayo markaasoo Itoobiya ay heshiis is afgarad ah la saxiixatay maamulka Somaliland. Heshiisku waxa uu u ogolaanayaa Itoobiya in ay galaan badda iyo saldhig milatari si ay Somaliland u hesho aqoonsi.