Ciidamo ku wajahan furimaha hore ee dagaalka oo laga sagootiyay Muqdisho

4-June-2024

Boqolaal ciidamo deegaanka ah oo ka qayb-qaadanaya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa xalay laga sagootiyay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ku wajahan furimaha hore ee dagaalka.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa tegi doono gobolka Hiiraan, waxayna ka qayb qaadan doonaan howlgallada xoreynta ee ka socda gobolkaasi

Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo sii sagootiyay ciidamadan ayaa kula dardaarmay inay muujiyaan dhabar adeeg, wuxuuna u rajeeyay inay guul kasoo hooyaan dagaalka.

Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowadda Soomaaliya iyo kuwa Macawiisleyda.

Si kastaba, dhowaan ayaa la filayaa inuu billowdo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo haatan qorshihiisa ay waddo dowladda federaalka Soomaaliya.