DFS oo markii ugu horreysay baraha kontorool ee Muqdisho geysay eeyo tababaran

4-June-2024- Muqdisho ” Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay baraha ciidan ee laga soo galo magaalada Muqdisho waxay gaysay Eeyo baara gaadiidka soo galo caasimadda.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Gaashaanle Cabdifataax Xassan ayaa sheegay in door weyn ay ka qaadanayaan xaqiijinta amniga magaalada iyo hareeraheeda eeyahan oo booliska uu hadda gacanta ku hayo.

“Eeyaha horey waa u isticmaali jirnay keliya waxaa hadda kusoo kordhay in kontoroolada laga soo caasimada la geeyo eeyaha walxaha qarxa uriya, waana lagu guuleystay oo hadda waxaa bar-kontorool kasta waxaa ka shaqeeya qeybta miino baarista booliska gaar ahaan K9,” ayuu yiri afhayeenka booliska.

Afhayeenka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in qorshahan sugida amniga Muqdisho ee qeybta ka yihiin eeyaha laga gaaray guullo wax ku ool, ayna kooxaha argagixisada ku guul-dareysteen in caasimada soo galiyaan qaraxyada.

“Ammaanka Muqdisho in aan sugno waddo kasta waa u marnay. Dhamaan daafaha kontoroolada caasimada waxaa hadda jooga K9 oo har iyo habeen u taagan baarista baabuur walba oo soo galaya.”

Waxa uu sheegay in eeyaha markii hore lagu aas-aasay eeyo QM ku taageertay, balse hadda ay booliska tababareen eeyaha baara waxyaabaha qarxa, ayna gacanta ku hayaan dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka tirsan booliska.

“Waxaa xaqiijinayaa in guud ahaan xayawaanada walxaha qarxa uriya guud ahaan dalka oo dhan waxaa gacanta ku haya ciidanka booliska Soomaaliyeed,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay afhayeenka booliska Soomaaliya.

Afhayeenka ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in meesha ka baxday waqtigii badnaa iyo rafaadkii laga mari jiray baarista gawaarida caasimadda soo gala, ayna eeyaha awood u leeyihiin in wax ka yar daqiiqad ku xaqiijiyeen inuu ammaan yahay iyo inkale.

Amniga caasimadda ayaa bilihii dambe laga dareemayay isbeddel weyn, ayada oo dadka reer Muqdisho ka nasteen inta badan qaraxyada iyo arbushaada argagixisada, waxaana tallaabadan cusub ay door weyn ka qaadan doontaa xaqiijinta ammaanka caasimadda