6- June-2024

Saddex nin oo lagu helay in ay bishii Desember 2023 dileen labo nin oo walaalo ahaa ayaa maanta lagu toogtey fagaare ku yaal magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta dowlad-goboleedka Galmudug.
Raggan maanta la toogtay oo lagu kala magacaabi jirey Nuur Cabdi Maxamed, Shucayb Maxamed Faarax iyo Bile Cabdullaahi Xasan ayaa 27-kii Febraayo ee sannadkan dil toogasho ah lagu xukumay, ka dib markii lagu helay gacan-ku-dhiiglenimo.
Maxakamadda gobolka Galgaduud oo xukunkan riddey ayaa raggan ku heshay in ay si bareer ah u dileen Dr Axmed Xasan Cismaan iyo walaalkiis ka yaraa oo la oran jirey Macallin Liibaan Xasan Cismaan xilli ay ku sugnaayeen deegaanka壯陽藥 Ilix ee gobolka Galgaduud.