Maxay Soomaaliya uga dhigan tahay guusha taariikhiga ah ee Xubinimada golaha amaanka. ?

7-June-2024

Soomaaliya ayaa shalay loo doortay xubin aan joogto ahayn oo ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay muddo labo sano ah, kadib codbixin ka dhacday Golaha loo dhan yahay.

Soomaaliya ayaa ku biiri doonta laba dal oo kale oo Afrikaan ah – Algeria iyo Sierra Leone – iyada oo Soomaaliya uu muddo xileedka u billaabanayo Janaayo 2025

Cali Cumar: Soomaaliya waxa ay 15-kii sano ee la soo dhaafay sameysay soo kabasho weyn

Soomaaliya ayaa loo doortay xubin aan joogto ahayn oo ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay muddo labo sano ah, kadib codbixin Khamiistii ka dhacday Golaha loo dhan yahay.

Soomaaliya ayaa ku biiri doonta laba dal oo kale oo Afrikaan ah – Algeria iyo Sierra Leone – iyada oo Soomaaliya uu muddo xileedka u billaabanayo Janaayo 2025. Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ayaa qeyb ka ah wafdiga Soomaaliya ee doorashada u aaday Mareykanka.

Codeynta ka dib ayuu la hadlay wariyaha Laanta Afka Soomaaliga ee VOA Haaruun Macruuf.

“Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waa ah hay’adda ugu sareysa ee go’aamisa, kana doodda arrimaha caalamka, waxaana Soomaaliya ay xubin ka ahayd hay’addaas muddadii u dhexeysay 1971-1972, sidaa darteen dib u soo laabashada Soomaaliya waxay marag u tahay in Soomaaliya ay horumar ka sameysay dowlad dhiska, duniduna waa qireysa,” ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray.

“Soomaaliya ayaa wax ku biirin doonta jirkaas. Soomaaliya waxay khibrad u leedahay dawlad-fashilantay, dawlad jilicsan iyo arrimaha xasaradaha bini’aadantinimo. Shan iyo tobankii sano ee la soo dhaafay, Soomaaliya waxay sameysay soo kabasho baaxad leh.”

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay muddo 53 sanadood ah loo doortay inay xubin ka noqoto 15-ka xubnood ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Codeyntii loo qaaday ayey Soomaaliya heshay 179, sidaas ayey uga mid noqonaysaa golaha ammanka laga bilaabo Jannaayo 2025.