Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha ka dhashay weerarka Al-Shabaab ee Ceeldheer

8-June-2024

Waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay weerar ku billowday qaraxyo ee ay saaka kooxda Al-Shabaab ku qaadeen gudaha degmada Ceeldheer ee bariga gobolka Galgaduud, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Weerarka oo 4 jiho ay Al-Shabaab uga soo qaadeen magaalada ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo raggii weerarka soo qaaday.

Dhimasho badan ayaa lasoo warinayaa inuu ka dhashay weerarka, waxaana dadka dhintay ku jiray saraakiil ay kamid yihiin Yoonis Xassan Sabriye iyo Korneyl Cabdulle, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Sidoo kale labada dhinac ayaa guullo ka kala sheegtay weerarka iyo dagaalka xigay ee saaka ka dhacay gudaha degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Kooxda Al-Shabaab oo war kasoo saartay howlgalkan ayaa sheegtay inay kula wareegtay fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada iyo xarumo muhiim ah oo ku yaalla halkaasi.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya oo iyadana warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in la jabiyay Al-Shabaabkii weeraray Ceeldheer, khasaare culusna la gaarsiiyay.

Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed iyo Ciidammada Deegaanka ayaa saakay jab xooggan u geystay Maleeshiyada kooxda Khawaarijta ah oo waaberigii hore ee saakay weerar kusoo qaaday fariisimmo ay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo deegaanka ku leeyihiin degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Ciidammada ayaa horey u hayey xogta iney maleeshiyaadku Khawaarijtu qorsheynayeen Weerarkan taasi oo keentay in Ciidammada Xoogga Dalka iyo Ciidammada Deegaanka oo aad u feejigan islamarkaana difaacyo uga jira meel ka baxsan fariisimihii lagu yaqiinay ay qaflad ku qabtaan Maleeshiyaadkii qorshahoodu ahaa iney wax dhagraan taasina ay sahashay in Maleeshiyaad badan halkaasi lagu laayo”.