Shirkaddaha dhismaha Iyo doorka ay ka ciyaari karaan la dagaallanka Isbeddelka Cimilada Waxaa Iftiimiyay Shirkadda BURUUJ

8-June-2024″ Sida shirkaddaha dhismaha ay door muhiim ah Uga ciyaari karaan la dagaallanka Isbeddelka Cimilada Waxaa Iftiimiyay Shirkadda BURUUJ CONSTRUCTION ” COMPANY” REAL STATE Dheeho.com

Shirkada Buruuj Construction Company “Waxa ay Qeeyb ka Tahay Calaamadaha U Taagan Dib U Soo Kabashada Somalia

Ku kalsoonaanta ganacsiga iyo Maalgashiga dalkaaga ,duruuf kasta oo ka jirta waxay Noqoneeysa hal,abuur keena furasado shaqo Ooy helaan muwaadiniinta,waxayna soo bandhigtay suuragalnimada in horumar la,taaban karo aad u horseedid Dalkaaga, sida ka muuqata hal,abuurka leh aasaaska iyo maalgalinta shirkadda dhismaha Buruuj

Hababka cusub ee Naqshadeeynta Dhismayaasha shirkada Buruuj ay ka hirgaliso Soomaaliya ay qiyaastii waxay yihiin 50% dhimista qiiqa kaarboonka, iyadoo Injineerada adeegyada dhismaha shirkada BURUUJ ” CONSTRUCTION ” COMPANY” REAL STATE ay door muhiim ah ka ciyaarayaan la dagaallanka isbeddelka cimilada

Soo saarista deegaan leh habab cusub oo keydinta tamarta ah xagga dhismaha, qaabeynta iyo hagaajinta nidaamyada ilaalinta tamarta ayaa sal u noqday dhismooyinka ay shirkada Buruuj Construction Company Real State ay ka hirgalisay Muqdisho iyo meelo kale oo Somalia ka mid ah

Dhismayaasha Buruuj waxa uu yagleelay dhireeyn aad qurux badan oo qayb ka ah hindisayaasha Injineerada shirkadda iyadoo la, eegayo doorka ay ku leeyihiin saxada wanaagsan, isbadalka cimilada iyo raasumaalka aadanaha ee lagama maarmaanka u ah nolosha caafimaadka qabata ee Mustaqbalka foga