Muqdisho: Booliska oo kaashanaya Hay’adaha ammaanka ayaa gacanta ku dhigay 16 nin oo ka tirsan shabakad abaabulan oo burcad ah

10-June-2024-Muqdisho

Muqdisho: Booliska oo kaashanaya Hay’adaha ammaanka ayaa gacanta ku dhigay 16 nin oo ka tirsan shabakad abaabulan oo burcad ah, kuwaas oo falal isku jira dilal iyo dhac dadweyne, ka geeysanayay dagmooyin ka tirsan gobolka banaadir, kadib markii boolisku uu howlgal ka fuliyay degmooyinka Dharkenley, Wadajir, Garasbaaley iyo Yaaqshiid”

Ragga lasoo bandhigay ayaa lagu soo qabtay howlgal ay ciidamadu ka fuliyeen degmooyinka Dharkenley, Wadajir, Garasbaaley iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Waa 16 eedeysane oo loo heysto inay geysteen falal isku jira dil, dhaawac iyo dhac dadweyne, kuwaas oo hadda lasoo bandhigay iyagoo maxaabiis ah.

Ragga lasoo bandhigay waxaa ku jira shabakado abaabulan oo burcad ah, taliska booliska ayaa sheegay baaritaan uu ku socdo eedeysanayaasha, iyadoo baaritaan kadibna Maxkamad la horgey doono.

Sawirrada 16-kaan eedeysane oo magacyadooda iyo dunuubta loo heysto lagu soo dul qoray ayuu baahiyey booliska Soomaaliya oo gacanta ku haya ragaas.

Ragga lasoo bandhigay qaarkood waa odayaal, sidoo kale intooda badan waxay ku hubeysan yihiin tuutaha ciidamada dowladda iyo qoryo AK 47 ah, halka qaarkood ay wataan Tooreeyo ay dadka ku dhici jireen.

Booliska ayaa sheegay in la hayo taleefano lacag iyo agab kale oo ragaan ay ka soo dhaceen dadkii lahaa, qof kasta oo wax laga dhacay ayaa lahu war-geliyey in booliska uu la xiriiro