Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan Qado ah la qaatay mas’uuliyiinta dowladda ku matala gobolada Waqooyi

27,June-2024

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan Qado sharaf ah la qaatay mas’uuliyiinta hay’adaha dowladda Federaalka ku matala gobolada Waqooyi ee dalka ayaa la wadaagay dadaalka ay dowladdu ku bixinayso ka hortaga faragelinta shisheeye iyo ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta ku bogaadiyay doorkooda isku haynta bulshada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.