Daawo: QM oo soo faragelisay dagaal beeleedyada ka socda GALMUDUG

29-June- 2024″ Dhuusamareeb ” Ku-simaha wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta howlo shaqo ku gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Swan ayaa xarunta madaxtooyada Dhuusamareeb kula shiray madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), isaga oo kala hadlay dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday gobollada dhexe iyo sidii xal loogu heli lahaa colaadaas oo ka taagan deegaano badan.

Madaxweynaha Galmudug oo faah-faahiyay kulanka ay yeesheen isaga iyo James Swan ayaa sheegay inay isla garteen xal u helidda dagaallada ka socda halkaasi

“Waxaan ka wada-hadalnay beryahan dambe dagaallo qabiil ah oo kasoo cusboonaaday meelaha qaarkood kuwa Galmudug iyo dhinaca Puntland, iyagana hadda dadaalladooda meel fiican ayay marayaan, waxaana ku howlanahay in la xakameeyo” ayuu yiri.

Qoor Qoor ayaa tilmaamay in colaaddan ay ka dmabeyso kooxda Al-Shabaab oo uu ku eedeeyay inay iska horkeeneyso beelaha wada daga gobollada Galgaduud iyo Mudug.

“Waxaa kaloo rajeyneynaa inay dadku gartaan inay waxaasi yihiin xeelad iyo farsamo cadowga argagixisada ah ay ka dambeeyaan iyo dano raqiis ah” ayuu sii raaciyay.