Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo QM oo Muqdisho ku shiray

3-July-2024

Waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay shir lagu qiimeynayay adeegyada hay’adaha Qaramada Midoobay ay ka qabtaan dalka iyo waxyaabaha muhiimka ah ee laga gaaray shaqooyinkii la qabtay.

Kulanka ayaa u dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta xafiiska QM ee Soomaaliya.