7-July-2024

Waxa lagu guuleeystay in xabad joojin lakala dhex dhigo beeihii dhawaan ku dagaallamy qeyb ka mid ah gobolka mudug iyada oo lakala qaaday labadii maleeshiyo beeleed ee halkaasi uu dagaalku ku dhexmaray.
Xabad joojonta waxaa gacxan ka geystay Labada maamul goboleed ee Galmudug iyo Punntland kuwaas oo ciidamo isku dhaf ah kala dhex-dhigay maleshiyaadki dagaallamayey.
Nabadddoon Maxamed Cali Shaandho oo ka mid ah nabaddoonada ka sahqeeynayay xabad joojinta oo BBC-da la hadlay ayaa yiri:
“Arrintu hadda meel fiican ayay noo mareysaa 28-kii bishii lixaad ayaa waxaa isu yimid Puntland iyo Galmudug iyo odayaasha oo ay si gaar ah ula shireen, in xabadda la joojiyo ayay u soo jeediyeen waa la qaatay, waa lagu ballamay intaas ayay jeediyeen 28-kii , intaas markii la qaatay waxaa ka dambeysay in la isugu yeeray umaddii labada beeloow iyo labada maamul-goboleed iyo ciidamadii dhex-dhexaadka ahaa oo labada maamul laga kala keenay ka dib laba oday baa ka hadashay oo labada beeloow kala matalayay si hufnaan ah ayayna u qaateen.”
Nabaddoon Maxamed Cali Shaandho ayaa sidoo kale sheegay in markii la isla qaatay xabad joojinta amar lagu bixiyay in lakala qaado ciidamada oo lakala geeyo goobihii loo asteeyay oo ah Bandiiradleey iyo Galdogob.
“Waa la isla qaatay sidaas ayaana ciidamadii lagu soo kala raray, ciidamadii dhex-dhexaadka ahaa iyo wasiirradiina goobtii ayay ku hareen.”
Dhanka kale Axmed Sheeikh cabdi oo loo yaqaan Caaqil Dhiin oo isna BBC-da la hadlay ayaa sheegay inay ku geeleysteen in xabad joojin lakala dhex-dhigo labada dhinac.
“Waxaan sameynay xabad joojin ay hormuud u yihiin wafdi wasiirro iyo xildhibaano isugu jira oo kala yimid maamullada Puntland iyo Galmudug, Alle ka sokoowna waxaa inoo suuro galiyay maamullada Galmudug iyo Punland haddii aysan iyaga imaan lahayne waa ay adkaan lahayn waayo inaga in badan baan isku daynay mana dhicin inaan xabaddaas kala joojino,” ayuu yiri Caaqil Dhiin.

Xabad joojinta ka dib maxaa xiga?
Caaqil Dhiin ayaa BBC-da u sheegay in tallaabada xigta ay noqon doontay in lakala qaaday ciidamada.
“Markii lakala ciidamada waxaa meesha lakala dhex-dhigay ciidamo isku dhaf ah oo Galmudug iyo Puntland ka socda kuwaas oo kala raray labada maleeshiyo iskuna keenay odayaasha labada dhinac,” ayuu yiri Caaqil Dhiin.
Waxa uu sidoo kale sheegay in ciddii jabisa heshiiskaas ay ciidamadaas isku dhafka ka qaadi doonaan tallaabo sharci ah oo dagaal la galayaan.
“Mar haddii lakala qaaday maleeshiyo beeleedyadii is horfadhiyay, xabadiina ay joogsatay, labadii barood ee loo cayimayna lakala geeyay tallaabada kale eek u xigta ayaa waxay tahay sidii xeerka iyo dhaqanka ahaan jiray in guurtidu ay isku madax-bannaan tahay dowladduna ay goob joog ka noqon doonto,” ayuu sidoo kale u sheegay BBC-da.
Isagoo ka jawaabaya su’aal ay BBC-du weydiisay oo ahayd sidii lagu xaqiijinaya in colaaddan ay soo noqon ayuu yiri: Awoodda Alle ka sokow haddii la adeegsado awoodda dowladeed oo hadda taagan haddii ay go’aanka ay qaateen ka dhabeeyaan waxay nooga dhigan tahay iyadoo aysan xabad dambe ka dhacayn waayo Soomaalidu waa indha u kas.”

Caaqil Dhiin ayaa sidoo kale Farriin u diray labada beeloow iyo maamullada Galmudug iyo Puntland.
“Waxaan farriin u dirayaa labada beeloow iyo maamulladaba, waxaana leeyahay shaqada aad qabateen waad ku mahadsan tihiin waana shaqadii aad iska lahaydeen Ilaahayna ha idinka ajar siiyo waaxana idinka codsanayaa anigoo caaqilkii ah in awoodda aad meeshaas soo dhigteen aad sii xoojisaan illaa ay dadkaas gacmahooda isku dhunkadaan, inta ka horreeysana in ciidamadaas lagu tayeeyo meeshooda.”
Waxa uu sidoo kale farriin u diray labada beeloow ee dirirtu ka dhaxeysay.
“Labada beelood ee meesha ku dirirtayna waxaan leeyahay, walaalle-yaalow Ilaahay halaga cabsado, waxa lagalaayo waa cadaab waxa ay dadka u socdaan waa cadaab ee cadaabta dadka halaga celiyo, colaadda waxa ay tahay waan soo ogaannay nabadda aan labada gacmood ku qabano oo aan fadhiga uga kacno, sida ay maanta u bilaabatay dhinaca ay ka baxdaa waa bakeeyle mareen, culumooy istaaga, dhalinyarooy istaaga, ganacsatooy istaaga, odayaashoow sidii u istaagnaydeen u istaaga oo ha fariisanina ilaa uu nin walba gurigiisa lug ku tago.”
Dhinaca kale Wasiirka amniga ee Galmudug Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) oo ka hadlayay munaasabadda miliishiyooyinka lagu kala qaadayay ayaa wacad ku maray in tallaabo sharci ah laga qaadi doono kooxda isku dayda in ay dhibaato ku noqota heshiiska la gaaray. Waxa uu sheegay in ciidamada isku dhafka ah ay u fasaxan yihiin in ay la falgalaan kooxdii heshiiska jabisa.

‘’Cid kasta oo isku dayda in ay carqaladayso nabadda, in ay carqaladayso wanaagii iyo xabad joojintii halkan lagu gaarayna tilaabo sharci ah in ay ka qaadaan way u fasaxan yihiin, waxa la rabaa in labada dhinacba ay is xakameeyaan’’ ayuu yiri wasiir gaboobe.
Wasiirka maaliyadda ee maamulka Puntland Maxamed Faarax oo isna kamid ahaa madaxdii goobjooga u ahayd heshiiska labada dhinac ayaa sheegay in amnga laga bilaabo Goldogob illaa Bandiiradley ay gacanta ku hayn doonaan ciidanka isku dhafka ah.
‘’Amniga Goldogob illaa Bandiiradley, ma rabno mar dambe ciidan oo ka soo duula Goldogob ama ka soo duula Bandiiradley, ciidankan baa u xilsaaran in ay hubiyaan nabadda, in ay hubiyaan qodobadii lagu heshiiyay inay fulaan’’ ayuu yiri wasiir Maxamed Faarax.
Colaadda ka aloosan犀利士 deegaannada u dhaxeeya Goldogob iyo Bandiiradley oo si goosgoos ah u socotay bilihii la soo dhaafay ayaa galaafatay nolosha dad ka badan 50 qof, sida laga soo xigtay illo wareedyo deegaanka ah.
Xiliyo kala duwan oo la isku dayay in xal kama dambeys ah loo helo dagaalka u dhaxeeya miliishiyo beeleedyada dagaalamaya ayaa lagu guuldareystay, lamana oga sida heshiiskan u dambeeyay u joojin karo colaadda gobolka.