Xoghayeyaasha Labada Aqal BJFS iyo wakiilka hay’adda UNICEF oo heshiis kala saxiixday

9- Julay -2024- Muqdisho” Xoghayeyaasha Labada Aqal BJFS iyo wakiilka hay’adda UNICEF oo heshiis kala saxiixday

Xoghayeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wakiilka hay’adda UNICEF ee Soomaaliya ayaa maanta Magaaladda Muqdisho ku kala saxiixday heshiis wada shaqayn oo u dhaxeeya baarlamaanka labadiisa Aqal Iyo Hay’adda UNICEF.

Heshiiskan waxaa dhinaca Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u saxiixay Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri oo ah Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Iyo mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed oo ah xoghayaha guud ee golaha Aqalka sare,waxaana dhinaca hay’adda UNICEF u saxiixday Marwo Wafaa Saeed oo ah wakiilka hay’adda UNICEF ee Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa waxa uu ku saabsanyahay horumarinta aqoonta shaqaalaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo sidii Xildhibaannada labada Aqal loogala shaqeyn lahaa horumarinta xuquuqda carruurta iyo guud ahaan howlaha kale ee arrimaha bulshada khuseeya, sida horumarinta fahamka ,korjoogtaynta, isla xisaabtanka iyo ka yoolgaarista xalalka waara.