Daawo: Qorshe lagu xoojinayo dagaalada ka dhan ah Al-Shabaab oo biloowday..

9-July-2024

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa maanta guddoomiyay shir muhiim ah oo ay yeesheen  qaybaha kala duwan ee saraakiisha Xoogga dalka, kaas oo looga hadlay dagaalka Al-Shabaab.

Kulankan aya daba socday amarkii madaxweyaha ee ku aadanaa xoojinta iyo dardargelinta dagaalka adag ee lagula jiro maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Iyadoo laga duulayo amarkii Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in la dardar galiyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ayaa maanta Taliyaha Ciidanka XDS S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin waxuu kulan la qaatay dhammaan Hoggaanada Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliye Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Hoggaanada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed faray in looga baahanyahay hoggaan walba inuu kordhiyo shaqadiisa, lagana doonayo inuu diyaar u noqdo waajibaad Qaran oo rasmi ah.

“Waxaan Taliska Ciidanka ku soo kordhinay talisyo iyo hoggaano cusub, waxaana laga doonayaa inay qeyb weyn ka qaataan qorshaha socda ee ku saabsan dagaalka Argagixisada, dhismaha ciidanka, taakuleynta iyo sare u qaadista tayada Ciidanka Xoogga Dalka,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Taliska xoogga oo war culus ka soo saaray dagaalkii Bariire ee maanta lagu dilay Taliyaha

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Sheekh Abuukar Macalin oo ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgal maanta ka dhacay duleedka Bariire oo Khawaarij badan lagu dilay.