Daqiiqad sixir ah oo Niyad jabiyay Nederland ayaa England u dirtay Finalka Euro 2024

10-July-2024

Daqiiqad sixir ah oo Niyad jabiyay Nederland ayaa England u dirtay Finalka #Euro2024

Ollie Watkins oo laga soo kiciyay kursiga keydka, ayaa daqiiqadii 90aad 2-1 ku quusiyay Holland si uu dhigo taariikh ay England axada ku wajahdo Spain.

Ronald Koeman ayaa dagaal xeeladaysan ku lumiyay Gareth Southgate iyada oo kooxdiisu ay guuldaro kala kulantay kulankii Dortmund

England ayaa wajihi doonta Spain Axada finalka Euro2024 oo ka dhacaya Berlin

Kooxda Gareth Southgate ayaa u muuqatay mid ku sii socota waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta saddexaad oo xidhiidh ah ka dib markii Harry Kane uu dhaliyay rigoore qeybtii hore ee ciyaarta,waxana uu barbareeyay gool uu dhaliyay Xavi Simons ilaa uu Watkins ka dhaliyay.

Xulka England ayaa qaybtii hore ee ciyaarta maamulayay, waxaana si cajiib ah u soo bandhigay Phil Foden, wuxuuna ku garaacay birta kubad uu meel dheer ka soo tuuray, wuxuuna si fiican u badbaadiyay goolhayaha reer Holland ee Bart Verbruggen.

Netherland oo arkay kubad uu madax ku dhaliyay Denzel Dumfries ka hor inta aan la aadin qeybta nasashada, ayaa la wareegay maamulka ciyaarta ka dib, waxaana ay u baahneyd faragelin muhiim ah oo uu sameeyay goolhaye Jordan Pickford si uu u ilaaliyo heerka England.

England ayaa wajaheysay 30 daqiiqo oo dheeri ah ilaa uu gool soo daahay oo qurux badan ka dhaliyay Watkins, Kane, taasoo England u dirtay finalkoodii labaad ee isku xigta ee Koobka Qaramada Yurub habeen cajiib ah oo ka dhacay Dortmund.