Spain vs England, UEFA Euro 2024 Finalka Indhaha oo dhan waxay eegayaan gooldhaliyayaasha wadajirka ah

11-July-2024

Spain vs England, UEFA Euro 2024 Finalka Indhaha oo dhan waxay eegayaan gooldhaliyayaasha wadajirka ah ee Dani Olmo, Harry Kane – Saddex dagaal oo muhiim ah

England oo soo istaagtay meel ay iska arki karaan Spain ayaa timid fiinalkoodii labaad ee isku xigta ee Koobka Qaramada Yurub si ay Axada garoonka Berlin ugu kulmaan kooxda La Roja oo raadinaysa koobkoodii afraad ee #Euro

Spain si ay ugu  soo baxdo Fnalka wax,ay ku qanacday in ay u diraan guryahooda France iyo Germany oo looga cabsi qabay koobka.

Halka England aysan waligood ku guuleysan tartanka Euro, laakiin waxay leeyihiin taariikh dhow oo cajiib ah ka dib markii ay gaareen finalka afar sano ka hor oo uu talyaanigu rigoore kaga qaatay

Tababaraha xulka qaranka Spain Luis de la Fuente ayaa ka digay halista ay wajaheyso England ka hor finalka koobka qaramada Yurub ee Axada ka dhacaya magaalada Berlin, xitaa hadii uu qiray in kooxdiisa ay ku wanaagsan tahay tartanka ilaa iyo haatan.

Ollie Watkins ayaa gool soo daahay dhaliyay Arbacadii iyadoo England ay gadaal ka soo laabatay si ay u garaacdo Netherlands isla markaana ay barbardhac la sameeyeen Spain oo 2-1 ku garaacday France.

Labadan xul ayaa soo maray orod aad u kala duwan oo ay ku soo baxeen finalka, Spain ayaa badisay dhamaan lixdii kulan ee ay ciyaareen, iyagoo guulo ka soo hooyay Croatia, Italy, Germany oo marti loo ahaa iyo xulka Faransiiska oo aad loo xiiseeyo.

Dhanka kale xulka qaranka England ayaa lagu dhaleeceeyay qaab ciyaareedkii ay ku soo bandhigeen heerka group-yada waxayna guushii ay ka gaareen Netherlands ay ahayd kaliya guushoodii labaad ee 90 daqiiqo gudahood finalka kadib markii ay u baahdeen waqti dheeri ah si ay uga saaraan Slovakia iyo rigoorayaal kulankii Switzerland.

Sida Kane oo kale, Olmo waxa uu fursad u haystaa in uu dhaafo oo uu keli ku galo kaalinta koowaad ee tartanka kabta dahabka ah.

Daafaca khadka dhexe ee England Declan Rice ayaa ku qasbanaan doona inuu calaamadeeyo Olmo, kaasoo khadka dhexe ka ciyaari doona, isagoo bedelaya Pedri oo dhaawacmay.

Tani waxay noqon kartaa dagaalka ugu muhiimsan ee finalka, waxayna saameyn weyn ku yeelan kartaa natiijada