Somalia:Canshuur lagu lacagaha la Isu diro ee elektaroonikada ayaa su’aallo laga keenay

13-July-2024-Muqdisho: Canshuurta laga qaadayo lacagaha elektaroonikada ayaa su’aallo laga keenay

Wasaaradda maaliyadda ee Soomaaliya ayaa hirgelisay canshuur la saarayo dhammaan howlaha iibka ee dalka ka dhaca.

Canshuurtan ayey dowladda sheegtay in ay hore u jirtay oo ay aheyd mid la dhaqangeliyay 1984-tii balse sababo farsamo u suurageliweysay.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in wasaaradeeda maaliyadda ay muddo ka shaqeynesay nidaamkan hadana uu soo dhameystirmay.

Canshuurta ayaa la saarayaa iibka lagu sameeyo habka elektaroonikada sida tan lagu iibsado mobile-ka ama hababka kale ee bangiyada ee digitalka ah.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo si kooban u sharaxay ayaa sheegay in dowladda yeelatay hab casri ah oo lagula socdo, lagu dabagalo, laguna qiimeeyo canshuurha.

Dowladda Soomaaliya ayaa habkaas uu wasiirka sheegay ku qaadeysa canshuuraha maadama inta badan dalka wax lagu kala iibsado habka elektaroonikada.

“Hannaankaas dowladda waxa uu u suuragelinayaa in canshuuraha ka dhasha iibka ma dhaqdhaqaayada iibka ee sida electronica u dhaca in ay kula socoto, kuna goosato canshuur”

Wasiirka wuxuu sidoo kale sheegay in canshuurta ay tahay boqolkiiba 5, kana yartahay tan dalalka gobolka isagoo sheegay in ay doonayaan in dadka bartaan bixinta canshuuraha.

Dowaldda waxay amartay shirkadaha isgaarsiinta iyo meelaha kale ee adeegyada ganacsi bixiya oo dhaqdhaaqa noocaas ka dhaco in ay gacan siiyaan howlwadeenada ku shaqada leh.

Xildhibaan Jeesow oo dood culus ka keenay canshuurta ay soo rogtay DF

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta hadal ka jeediyay kulanka baarlamaanka ayaa dood wayn ka keenay canshuuraha iibka (Sales Tax) oo haatan dowladdu ay bilaabeyso qaadisteeda, taas oo noqoneyso 5%, sida uu sheegay wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa ka horyimid arrintan, wuxuuna tilmaamay in dhibaato horleh ay ku tahay shacabka Soomaaliyeed, maadaama buu yiri canshuur laga qaadayo lacagaha taleefoonada la’isugu diro sida EVC, eDahab ama lacagaha kale ee qaabka Wallet-aka ah.

“Waxaan arkaayay Wasiirka Maaliyada oo leh EVC-ga ayaan canshuur ka qaadayaa, hal doolar oo aan qof u diray ayaa canshuur layga waydiinaaa aniga maxay tahay taas micnadeeda?#8221; ayuu yiri xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Waa sidee saameynta canshuurtan cusub?

Mobile money

Guud ahaan bulshada iyo ganacsiyda ayey saameyneysaa canshuurtan cusub maadama aysan dadweynaha hore u bixin jirin canshuurta ceynkan ah.

Saameynta ayaa noqon karta mid ay dareemaan dadweynaha oo culeys ku keenta iyo mid dhaqaale oo dowladda u abuurta illo hore leh ay wax ka soo galaan.

Cabdifitaax Daahir Haaruun waa bare wax ka dhiga kulliyadda dhaqaalaha jaamacadda horseed ee magaalada Muqdisho. Waxa uu noo sheegay in canshuurtan ay yeelan karto saameyn fiican.

“Dowladda waxay siin kartaa daqili cusub oo lagu maalgeliyo kaabayaasha dhaqaalaha iyo sidoo kale in daqliga dowladda guud ahaan uu kordho taas oo ay uga maarmeyso qeyb ahaan deeqaha ay dibadda ka hesho”

Sidoo kale Cabdifitaax waxa u qabaa in ay dhanka dadweynaha ku yeelaneyso saameyn aysan jecleysan oo ay ka dareemaan jeebkooda.

“Qarashkooda ayaa kordhaya maadama la canshuurayo lacagtii danbeysnaa ee ku adeegan jireen iyo in hoos u dhac uu ku yimaado isticmaalka adegga”

Sida dunida meelo badan ka dhacda marka ay dadka dareemaan in habka ay adeegsanayaan ay ku baxayso lacag badan way ka wareegaan.

“Waxay keeni kartaa lacagihii jeebabka lagu qaadan jiray in ay dib u soo laabtaan, fakarkii lacagaha digital-ka wadanka ee kordhayayna ay hoos u dhacaan”

horsed
Qoraalka sawirka,Cabdifitaax Daahir Haaruun

Dadweynaha ma fahamsan yihiin canshuurtan?

Ma ahan oo kaliya shacabka in aysan waxbadan ka fahmin, xildhibaanada dowladda ayaa su’aalo qabo.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka hadlay baarlamaanka ayaa dhaliilay canshuurta isagoo su’aalo ka keenay waxa ay tahay.

“Waxaan arkayay wasiirka maaliyadda oo leh EV-plus ayaan canshuur ka qaadayaa, hal doolar qof aan u diray miyaa canshuur layga weydiinaya, maxay tahay taasi macnaheeda”

Dada badan ayaa su’aalo ka keenay sida laga yeelayo iibka aan aheyn kan alaabaha lagu kala goto oo habka digital-ka u dhaco sida kan waxbarashada iyo caafimaadka.

“Yaa la canshuurayaa ma waxaa la canshuura lacagta danabeysan ee isbitaalada, iskuulada, ama hooyada hilibka iibsaneysa, yaa la canshuurayaa”

Ugu damb eyn, Mr. Cabdifitaax ayaa ku taliyay in la hubiyo kalsoonida bulshada iyo fahamkooda, loona cadeeyo meesha ay canshuuraha aadayaan.