Macallimiinta dugsiyada dowladda Soomaaliya ayaa qaarkood loo sheegay in mushaarkooda ku egyahay 31 Agosto

14-Juy-2024-Muqdisho”Macallimiin dugsiyada dowladda wax ka dhiga ayaa isugu soo baxay

xaruntaa wasaaradda waxabarashada horteeda. Macallimiinta ayaa ka cabanayay in loo sheegay in ay iska tagaan.

Qaar ka mid ah macallimiintaas oo sitay boorar ay ku qoran yihiin waxa ay ka cabayaan ayaa wasaaradda horteeda kula hadlay wariyayaasha magaalada Muqdisho. Boorarka ay siteen macallimiinta waxa lagu muujiyay cabashada ay qabaan.

“Macalin soo shaqeeyay 11 sano in la yiraahdo iska bax cadaalad miyaa”

Macallimiinta soo baxday oo aan tiradooda badneyn ayaa ku qeylinayay “Cadaalad hala arko dulmo doonimeyno”.

Macaallimiinta ayaa sheegay in shaqada loo qaatay sanadki 2015-kii kaddib markii wasaaradda waxbarshada ay u baahatay barayaal dugsiyada dowladda wax ka dhiga. Macaallimiinta waxay sheegeen in imtixaan ay u galeen shaqada sidaasina lagu qaatay.

Mid ka mid ah macallimiitna oo aan dooneyn in magaceeda la sheego ayaa BBC-ad uga warrantay

“Tabar ayaan qaadanay, waxaana ku soo dhameysanay jaamacadad Muqdisho, kaddib wasaaradda ayaa imtixaan naga qaaday oo shaqaale naga dhigtay”

bare
Qoraalka sawirka,Khadiija Sheekh Abuukar

Macallimiin ayaa sidoo kale ku doodayaa in ay soo mareen marxalado kala duwan intii ay shaqada ku jireen. Waxay sheegeen in xilliyo dagaal iyo qaraxyo dhacayeen ay soo shaqeeyeen.

Khadiija Sheekh Abuukar Macalin waa bare wax ka dhiga dugsiga Ex-karaan. Waxay BBC u sheegtay in ay shaqada macallinimada bilowday 1988-kii markaas oo dowladdii dhexe u qaadatay in ay wax ka dhigto dugsiyada hoose dhexe.

Khadiija sidoo kale waxay ka tirsan tahay guddiga macallimiinta cabanaaya. Waxay noo sheegtay in ay dowladda u direen fariimo balse ilaa hadda aysan ka hayn wax jawaab ah.

“Wasaarada ayaan tagnay, waxaan dhahnay macallimiin ayaan nahay cabasho ayaan qabnaa, waxaa nala yiri dacwo iyo buuq ma rabno albaabka ka baxa”

Macallimiinta ayaa aaminsan in ay ku soo shaqeeyeen duruufo adag waxna soo qabteen iyadoo aysan dowlad dhexe dalka ka jirin.

“Iyadoo imtixaan wasaaradeed jirin, oo aysan jirin shahaado dugsi sare oo wadanku leeyahay caalamkuna aqoonsan yahay ayaan aheyn macallimiintii soo saartay ardayda”

Khadiija waxay sheegtay in lagu wargeliyay in bisha soo socoto ay tahay marka ugu dambeeya ee la siinayo mushaar.

“Anagoo ah macallimiinta qaranka oo dhib u soo marnay barbaarinta ubadka in hadda nala dho iska taga, 31ka Agosto ayuu mushaarkiina go’ayaa ma istaahlino” ayey tiri khadiija oo intaas ku dartay.

“Ma u qalmaa macallin 10 sano soo shaqeeyaay in dhaho lacag kuuma hayno, macallimiinta hadda la qaadanaya ayaan mushaar u haynaa”

khadiija waxay kaloo BBC-da u sheegtgay in ay yihiin macallimiintii u bareertay in ardada helaan shahaado ay caalamka waxbarasho uga doonan karaan.

Dhankale wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo aan la xiriirnay ayaa noo sheegtay in ay war ka soo saarayaan basle markii dambe way ka gaabsadeen in ay ka hadlaan

Ma ahan markii ugu horeysay oo laga cawdo wasaaradda waxbarashaa. Bishii hore ayey ardayda wax ka barata jamacada Muqdisho ka cawdeen wasarada. Waxay sheegeen in loo diiday in loo tasdiiqyo shahaadooyinka

Wasaaradda ayaa kaga jawaabtay in ay joojiyeen tasdiiqinta ayna tahay mid wax lagu saxayo