Jacfaan :Nin barta Facebook ka ogaaday halka uu ka soo jeedo oo soddonka sano kadib qooyskiisa dib ula Midoobay

15-July-2024-BBC

Jacfaan :Nin barta Facebook ka ogaaday halka uu ka soo jeedo oo soddonka sano kadib qooyskiisa dib ula Midoobay

Maxamed Cabdulqaadir Xuseen Jaamuus, oo aabihiis ay ku kala irdhoobeen dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay ayaa lagu soo dhaweeyay Magaalada Baardheere ee gobolka gedo kadib Muddo ka badan soddon sano oo uu ku jaha-wareersanaa qofka uu yahay isaga oo ku nool gobolka Sool ooy hooyadiis ula qaxday BBC ayaa sidaas warisay waxaana sheekadan oo dhameeystiran ka eegi kartaa

Maxamed Cabdulqaadir Xuseen Jaamuus, farriin bartiisa Facebookiisa loogu soo diray ayaa loogu sheegay in uu yahay qabiil aan aheyn kii uu marka aaaminsaa inuu yahay inkastoo tuhun jiray mar walba.

Qofka barta Facebook farriinta kala soo wadaagay Maxamed waa walaalkii ay isku aabbo yihiin laguna magacaabo Sakariye Cabulqaadir.

Sakariye ayaa ku yiri Maxamed is bariidin kadib, “ninyahow waxaa lagu dhahaa ina Cabdulqaadir Mariixaanna waa tahay”.

Intaas kadib Maxamed Cabdulqaadir loona garan ogyahay, Abwaan Jacfaan ayaa dib u xasuustay hadallo yaraantiisii uu maqli jiray oo ahaa in aabbihii Cabdulqaadir la yiraahdo qabiilkiisuna Mariixaan yahay, balse markii dambe oo uu si wanaagsan u garaadsaday ayaa loo sheegay in warkaas carruurnimadiisii uu maqli jiray aanu aheyn mid dhab ah.

Warkii ka soo gaaray Facebook, xusuustii hore iyo tuhunkii uu qabay, ayaa ku kallifay Maxamed in uu bilaabo xaqiijinta warka soo gaaray, waxaan uu sameeyay xiriirro iyo wicitaanno kala duwan, isagoo markii dambe helay xogo miisaan u yeeleysa warkii Sakariye ka soo gaaray.

“Hadalkii yaraanteydii aan maqli jiray iyo hadalkii wiilku idhahay ayaa is doontay, kadibnna waalidiintii isoo koriyay ayaan dib u wacay iyo dadkii xogteyda sida dhabta ah u hayay, weyna ila xaqiijiyeen oo waxay igu dhaheen arrintaasi waa arrin jirta oo waxbaa lagaa qarinayay “ ayuu yiri Maxamed Cabdulqaadir Xuseen oo BBC-da la hadlay.

Maxamed aabihii iyo hooyadii waxay kala tageen isagoo yar burburkii dalka kadib, taasoo keentay in hooyo ay qaadato isla markaana ay la kaashato qooskeedii oo degganaa gobolka Sool, halkaa oo noloshiisa inta badan uu ku soo qaatay Maxmed.

Soddonkii iyo dheeraadkii sano ee shakigu uu ku jiray wuxuu sheegay Jacfaan inay ku adkaatay helista cid u xaqiijisa oo u kala caddeysa dhanka uu jiro qoys ahaan.

Walaalkii Sakariye

Wixii igu dhacay cid uma haysto

Maxamed Cabdulqaadir, inkastoo uusan hadda cid gaar ah u haysan wixii dhacay, haddana wuxuu muujiyay in uu aaminsanyahay in wixii ku dhacay iyo jaha-wareerkii uu wajahay wax ka qabashadiisa iyo sixitaan lagu sameyn karay aanu helin.

“Kolley deegaankii aan ku koray ee hooyaday ka soo jeedday, waalidiintaydii halkaa joogtay ayaa arrintaan sameeyay, kolley iyaga wiilkoodii ayaan ahaa sida kale haddii loo fiiriyo si wanaagsan ayay ii soo koriyeen”, ayuu yiri.

Wuxuu intaa raaciyay :”Waxaa sababay-baan dhihi karaa maadaama deegaanku deegaankeygii ahayn wax kastana dhici karaan, kolley iyaga sidaasbaa la’ qurux badnaatay, inkastoo ilaa markaan soo weynaaday cidna wax ii sheegin, laakin kolley wax dhacay weeye oo qaybo eheladeyda ka mid ah sameeyn ,”.

Maxamed Cabdulqaadir Xuseen Jaamuus ayaa sheegay in si guud uu cafiyay hadda wixii dhacay iyo qaladaadkii la’ iiga galay.

Culeyskii ugu badnaa ee uu dareemay Maxamed.

BBC-da ayaa waydiisay Maxamed Cabdulqaadir Xuseen, su’aal ku saabsaneed sida noloshiisu ahayd iyo culeysyadii uu wajahay muddadii uu aabba la’aanta ahaa.

“Culeyska ugu weyn ee aan dareemayay wuxuu ahaa aabbo la’aan iyo ehel la’aan-baan ahaa, qolo waa la iigu abtirinayay, laakin aniga tuhunbaa igu jiray in qolodaasi aaney ahayn qolada rasmiga ah, marka wewelka ugu badan wuxuu ahaa ehel la’aan,” ayuu yiri.

Mar walba wuxuu sheegay inuu dareemay in wax qaldanyihiin hase-yeeshee aanu dadka si qoto dheer u waydiin maadama si uun wax looga qarinayay.

Hadda oo uu dib ula midoobey qoyskii aabbihii

Qaar ka mid ah ehelkiisa

Hadda wuxuu sheegay Maxamed inuu aad u faraxsanyahay isla markaana si weyn loogu soo dhaweyay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo oo qoyska aabbihii ay deggenyihiin isla markaana ah halkii uu ku dhashay.

Wuxuu sheegay in dadka magaalada ay soo dhaweyntiisa isugu soo baxeen oo ay u soo dhaweyeen si dareen iyo farxad leh.

“Walaalow dareenkeyga maaha mid la soo koobi karo boqolkiiba boqol weeye, aabahybaan haystaa, walaalaheybaan haystaa, adeeryaashaybaan haystaa, abtiyaasheyna wax ima yeellin”.

Aabbihii Cabdulqaadir Xuseen oo muddo ka badan saddon sano wiilkiisa aan arkin ayaa isaga oo ka hadlayay soo dhaweynta loogu sameeyay magaalada Baardheere waxaa uu sheegay inuu ku faraxsanyahay in ay hadda dib u midoobaan.

Wuxuu tilmaamay in wiilkiisu aanu ka lumin isl amarkaana uu ka war hayay, laakin wuxuu qiray in qalad uu jiray xagga wada-xiriirka ah.

“1993-dii ayaa iigu dambeysay wiilkeyga inuu Taleex joogo oo Ayaydii hayso xiir-baan ku laheyn,” ayuu yiri Cabdulqaadir Xuseen.

Maxamed ayaa sheegay in uu hadda sidoo kale dib ula midoobay ilaa 11 carruur ah oo aabbihii dhalay oo isugu jira wiilal iyo gabdho.

Maxamed iyo Aabbihii markii ay kulmeen

Leave a Reply