Maxaa laga yiri shirka Wadatashiga Istaraatiijiyadda Qaran ee Ilaalinta Taakuleynta Dadka Barakacayaasha ah..?

Muqdisho-July 16, 2024

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane CaliYuusufCali- Xoosh ayaa maanta kaqeybgalay Daahfurka wadatashiga Istaraatiijiyadda Qaran ee Ilaalinta, Taakuleynta iyo Xalka Waara ee Barakacayaasha, Qaxootiga iyo Dadka Soo Gurya Noqday.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka), qeybna ka ahaayeen hey’adaha dowladda, bulshada rayidka iyo beesha caalamka ayaa khudbad uu kajeediyey Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Cali Xoosh waxaa uu ku dheeraaday ahmiyadda Istaraatiijiyaddan u leedahay wax kaqabashada xaaladaada Barakaca isaga oo yiri “ Istaraatiijiyaddan waa Waa tallaabo wax ku ool ah oo loo qaaday dadaallada mideysan ee loogu helayo Taakuleynta, bedqabkooda iyo xalwaara dhammaan Barakacayaasha, Qaxootiga iyo kuwa soo gurya-noqday”.

Waxaan ogsoonnahay in Barakucu aanu ahayn keliya qadiyad Banii’aadnimo ama Horumar ee uu keeno khatar amni. Bulshooyinka quusta jooga iyo kuwa nugul, waxaa ka faa’ideysta kooxaha hubeysan iyo Khawaarijta taasi oo khatar ku ah amniga qaranka iyo xasiloonida guud, sidaasi darteed xal u helidda barakaca waxaa ay muhiim u tahay helitaan amni iyo nabad ka dhalata guud ahaan Soomaaliya” ayuu intaa raaciyey.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane xildhibaan Cali Yuuusuf Cali(Xoosh) waxaa kelmaddiisa kusoo gabogabeeyay adkeynta in laga qeybgalo Wadatashiyada leh heerarka kala duwan ee loo qorsheeyey iyada oo laga talo-gelin doono dhammaan dowlad goboleedyada, hey’adaha aan dowliga ah( NGOska) iyo saxiibada caalamka.