Muddo kodhin loo sameeyay Soomaali badan oo aan Mareykanka sharci ku laheyn, maxay ka dhigan tahay

20-July-2024″ Muddo kodhin loo sameeyay Soomaali badan oo aan Mareykanka sharci ku laheyn, maxay ka dhigan tahay

Waaxda arrimaha gudaha Mareykanka ayaa dib u qaabeyn iyo kordhin ku sameysay sharciga ku meelgaarka ah ay dalka ku joogaayaan ee loo yaqaan (TIP) dadka ka soo jeeda Soomaaliya.

Waxa uu sharicgan u ogolaanaya Soomaalida aan sharciga dalka ku laheyn in ay joogaan kan shaqeystaan 18 bilood oo dheeraad ah.

Sharcigan waxa uu Marekanka ugu talogalay in uu siiyo ajaanibka ka yimaada dalalka qaar oo ay ka jiraan dagaalada sokeeye, musiibooyinka deegaanka ama xaalado ku meelgaar ah oo u diidaya in ay si badqab ah dib ugu laabtaan. TPS dadka la siiyo waxay u saamaxaysaa in Mareykanka ay joogi karaan waqtiga ku qoran ee la siiyay.

Sida lagu qoray bogga arrimaha jinsiyadaha iyo socdaalka, sharcigan waxaa la kordhiyay laga bilaabo 18-ka bisha Sebtember ee sanadkan ilaa iyo bisha 17-ka Maarso 2026-ka.

Xoghayaha Amniga Gudaha ee dowladda Maraykanka, Alejandro N. Mayorkas, oo ka hadlay ayaa sheegay in dadka ay sii joogi karaan dalka.

“Muddo kordhinta waxay xaqiijineysaa in dadka Soomaaliyeed ee hore u joogay Mareykanka ay sii joogaan, kana shaqeystaan inta xaaladda sii xumaatay ee Soomaaliya ay sidaas tahay” ayuu yiri mas’uulkaas.

Kordhinta joogitaanka ee Soomaalida waxay fursad u siineysaa in ay ka faa’idaystaan oo ay dib isu-diwaangeliyaan si ay u sii haystaan joogitaanka ku meelgaarka ah.

Dad gaaraya ilaa 600 oo hadda haysta joogista ku meelgaarka ah ayey weli suuragal u tahay in ay sii haystaan joogitaan ilaa laga gaarayo sanadka 2016-ka haddii ay ka soo baxaan shuruudaha looga baahan yahay. Dadka haystay joogistan KMG ah waxaa laga doonayaa in ay dib isu-diwaangeliyaan.

Dib u cusbooneysiinta sharciga KMG waxa uu u ogolaanayaa Soomaali lagu qiyaasay 4,300 in ay dalbadaan deganaashahaas KMG ee TPS. Si aad u hesho waxaa lagaaga baahan yahay in aad ku nooleyd Mareykanka laga soo bilaabo bishan July 12-keeda 2024, dalkana waa in aad sii joogtaa.

Faahfaahinta sida aad isu-diwaangelineyso waxaa xogteeda lagu shaaciyey bogga dowladda Mareykanka ee arrimahaas lagu faahfaahiyey.

Qeybta jinsiyahada iyo socdaalka (USCIS) ayaa ka sii shaqeyneysa codsiyada la buuxiyay. Kuwa la ogolaado waxay helayaan joogitaanka in loo ogolaaday muddada la sheegay.

Maxamed Dooli waxa uu ka mid yahay sharciyaqaanada Soomaaliyeed ee ku nool waqooyiga Ameerika. Waxaan wax ka weyddinay waxa ay ka dhigan tahay kordhintan.

“Dadkan markii hore waxay haysteen degnaasho ku meelgaar ah, haddana waa loo kordhiyay, qofkii haystay warqad ku meelgaar ah ayey saameysaa, kuma jiraan dadka hadda soo galay”.

social

Sababta keentay in Soomaalida loo asteeyay kordhinta ayaa ah in ay ka jiraan dhibaatooyin ka taagan dalka.

“Mareykanka waxay u aqoonsadeen Soomaaliya wadan xaalad adag ku jiro oo aan sugi karin qofka bani’aadanka xuquuqdiisa, maadama waddanka sidaa loo aqoonsaday, lugama celin karo dad” ayuu yiri abuukaato Maxamed Dolli.

Haddaba maxaa ku dhacaya dadka ka badan afarta kun marka 18-ka bilood ee loogu daray uu ka dhamaado. Abuukaato Dooli waxa u sheegay in ay ku xiran tahay dowladda markaas joogta.

“Xaaladda Soomaaliya haddii ay isbeddesho oo dadka la celinayo lagu aamini karo waa la celin karaa, balse muhiimmadda waa in dadkan 18 bilood si caadi u shaqeysan karaan oo xuquuq ku leeyihiin dalka” ayuu sii raaciyey.

Sida ka jirta meelo badan oo caalamka ah oo dadka magangalyo doonka laga qaabilo, waxaa jirta marka uu qofka joogo muddo si sharci ah in uu helo habab u fududeyn kara sii joogista qofka.

“Waa dhici kartaa qofka hadii uu 18 bilood dalka ka shaqeyto oo wax dhibaato ah uusan geysan casnhuurna bixiyo, caruurta uu dhalo waxay noqonayaan Mareykanka, haddii ay u dhamaato 18 bilood waxay sameyn karaan codsi bani’aadannimo, aad ayeyna u caawineysaa” ayuu yiri Maxamed Dooli