Daawo : Baarlamaanka Somalia Oo dood adag ka yeeshay hubka sharci darada ah ee dalka Soo Galaya

22-july-2024″ Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Golaha

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay kulan ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka, waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow

Kulanka oo ahaa kalfadhiga shanaad kulankiisa lixaad, waxaa uu guntankiisa ama kooramkiisa ku furmay 143-xildhibaan, waxaana ajendaha kulanka maanta uu ahaa hubka sharci darada ah, dagaal beeleedyada iyo dhowrista xasaanadda xildhibaanadda.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee baarlamaanka dalka ayaa dood adag oo wakhti qaadatay ka yeeshay ajendaha ku saabsan hubka sharci darada ah, dagaal beeleedyada iyo dhowrista xasaanadda Xildhibaannada, waxaana waxyaabaha ay mudanayaasha ay aadka uga doodeen ka mid ahaa dhibaatooyinka dagaal beeleedyada leeyihiin iyo sida ay muhiim u tahay in xal waara loo helo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in kulanka kan xiga ee dhici doona maalinta Arbacada ah la dhameystiri doono doodda la xiriirta hubka sharci darada ah, dagaal beeleedyada iyo dhowrista xasaanadda Xildhibaannada.

Dhinaca kale Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Xakameynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed.

Warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Sharciyeynta Adeeyada iyo Baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed ee (SARIS), warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Ayniga Dhirbeereedka iyo warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Badbaadada Dhirbeereedka iyo Takoorka.