Ciidamada Itoobiyan Ah oo soo gaaray qeyba ka mid ah gobolka Hiiraan

24-July-2024″ Ciidamada Itoobiyan Ah oo soo gaaray gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya Xili ay cirka isku shareereyso xiisada bada ee u dhaxeeya labada

Maamulka Hirshabeele ayaa xaqiijiyey in ciidamo Ka socda Itoobiya ay soo gaareen deegaano ka mida gobolka Hiiraan kuwaas oo ka soo tilaabay dhanka xadka Feerfeer.

Madaxda deegaannada ciidammadaasi soo gaareen ayaa sheegay in saraakiisha Itoobbiyaanka u sheegeen, in ay hordhac u yihiin qorshe lagaga shaqaynayo sidii ay deegaannadaas uga bixi lahaayeen ciidamadii Itoobiyaanka ee ku sugnaa gudaha Soomaaliya, kuwaas oo dawladdu Federaalku hore sheegtay in ay ka baxaan guud ahaan dalka.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Maamulka Hirshabeele Cabdi Daahir Guure oo BBC la hadlay ayaa sheegay in ay ka war hayaan ciidankaasi ka soo tallaabay xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Ciidankaa Itoobiya ee ka soo gudbay xuduudda meesha la yiraahdo Feerfeer sida ay anaga nagu soo gaartay warbixinta ku saabsan ciidamadaas in ciidankii gobolka Hiiraan ka joogay oo qaarkooda ay Atmis ahaayeen qaarna ay caawinayeen inay guurayaan waqtigii-na uu ka dhamaaday inay ciidamadaas galbinayaan ayaa warbixinta nagu soo gaartay,” ayuu yiri.

Wax calaaqaad ah oo hadda naga dhaxeeyo ma jiro maamulkii noo qaabilsanaa xudduudada iyo deegaanadaas Itoobiya xadka la leh ayay ku wargaliyeen inay waddada marayaan ee ciidankaas soo qaadanayaan, saraakiil aagaas ammaanka ka shaqeyso oo Hirshabeele ah ayaa si shacabka loo badbaadiyo kala shaqeynaysay inay waddada maraan”, ayuu yiri wasiirak Hirshabele.

Wasiirka aya inta ku daray in ciidamadan ay soo gaareen Feerfeer iyo meelo kale oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

“Waxay soo gaareen Feerfeer Soomaaliya iyo qeybo ka mid ah degmada Matabaan iyo waliba degmada Mahadaay qeyb ka mid ah oo ay ku soo socdeen” ayuu intaa ku daray.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Maamulka Hirshabeele Cabdi Daahir Guure oo aan wax ka waydiinay xogta ay ka hayaan ciidamadan iyo tiradoodood iyo qalabka ay sitaan ayaa sheegay in xog faahfaahsan ayasan ka hayn ciidamada xadka ka soo gudbay.

“Arrinta waa arrin ciidan dowladda Itoobiya-na ciidan ayaa ka joogay, ciidankii ka joogay inay raraan ayay rabaan marka gaadiidkii lagu galbin lahaa iyo waxyaabihii kale amaanka looga cawin lahaa ayay dowladda Itoobiya soo dirtay” ayuu yiri Mr Cabdi.

Itoobiya waxaa Soomaaliya ka jooga laba nooc oo ciidan ah. Mid ka mid ah wuxuu ka hoos shaqeeyaa Midowga Afrika (ATMIS) kan kalena waxaa lagu geeyay heshiis laba geesood ah.

Ciidan

Kuwa ku shaqeeya magaca Midowga Afrika, ayaa ugu yaraan gaaraya 3,000 oo askari, halka kuwa ku jooga heshiiska labada dal lagu qiyaaso 5,000 ilaa7,000 oo askari oo Itoobiyaan ah, waxaana ay ka howl galaan qaybo kala duwan oo ka tirsan dalka Soomaaliya.

Xuseen Macalin waxa kale oo uu sheegay in marka uu dhammaado xiliga ATMIS Diiseembar 2024, ay jiri doonaan illaa 12,000 oo askari oo qayb ka noqonaya hawgal cusub, kaas oo ay suurtagal noqon karto in ay qayb ka sii ahaadaan dawladdaha hadda ciidamadoodu joogaan marka laga reebo kuwa Itoobiya.

Dhanka kale todobaadyo ka hor ayay ahayd markii ciidamo Itoobiyaan ah oo isku dayay in ay soo galaan gudaha Soomaaliya laga celiyay degmada Matabaan, iyaga oo soo galay gudaha Soomaliya idan la’aan sida ay sheegtay dawladda Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa xilligaas Qaramada Midoobay uga cawday fasax al’aanta ay ciidamada Itoobiyaan soo galeen gudaha dalka.