Axmed Xasan Dige” Arag la’aanteydu caqabad kuma noqon in aan waxbarto, shaqeysto, una adeego bulshadeyda.”

26-July-2024″ Axmed Xasan Dige ” Arag la’aanteydu caqabad kuma noqon in aan waxbarto, shaqeysto, una adeego bulshadeyda.”

“Magaceygu waa Axmed Xasan Dige. Waxaan ku dhashay, kuna soo barbaaray baadiyaha magaalada Hargeelle ee gobolka Afdheer ee dowlad-deegaanka Soomaalida.

Yaraanteydii waxaan ahaa xoolajire xoog u ah qoyskiisa. Anigoo 11 sano jir ah ayaan aragga naafo ka noqday.

2011 ayaan idaacadda BBC-da ka dhegeystay wareysi uu bixiyay maamulaha iskuulka Indhoolayaasha Al-Nuur ee ay taabbageliso hay’adda samafalka Hormuud Salaam Foundation. Waxaana go’aansaday in aan waxbarasho u soo raadsado Muqdisho.

Dad reer guuraa’ ah oo xoolo u soo safarsanayay magaalada Ceelbarde ee gobolka Bakool ayaan la soo lugeeyay. 9 maalmood ayaan jidka ku soo jirnay, ka dibna waxaan gaari ka soo raacay magaalada Ceelbarde, waxaana ku biiray Iskuulka Indhoolayaasha Al-Nuur.

Xilligaas cidna Muqdisho kama aqoonnin. Waxaan ku biiray qeybta deegaanka ee iskuulka oo aan ka helay waxbarasho, caafimaad, iyo hoy lacag la’aan ah. Markii aan Dugsiga Dhexe uga baxnay iskuulka Al-Nuur ayaa maamulka iskuulku noo wareejiyay iskuulka Imaamu Shaafici, si aan ula qabsanno ardayda aragga qabta, uguna sii diyaargarowno Jaamacadda Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaana naga bixinaysay kharashaadka waxbarashada.

Safar iyo halgan dheer oo waxbarasho ka dib, sanadkaan ayaan ka aflaxay kulliyadda Cilmiga Bulshada ee Jaamacadda Muqdisho.

Waxaana hadda ahay maamulaha Isuulka Daryeel ee degmada Kaxda, oo ay si bilaash wax ugu bartaan arday indhoolayaal iyo carruur danyar ah.

Waan ku faraxsanahay in aan ahay aabbe aragga naafo ka ah, iskuna filan, oo qoyskiisuna ku tiirsan yihiin. Arag la’aanteydu caqabad kuma noqon in aan waxbarto, shaqeysto, una adeego bulshadeyda.”

Waa sheekada Axmed Xasan Dige oo ka mid ahaa dufcadii koowaad ee ka aflaxday iskuulka Indhoolayaasha Al-Nuur ee Hay’adda Samafalka Hormuud Salaam Foundation.” Hormuud Telecom Hormuud Salaam Foundation Salaam Somali Bank