Madaxii Maaliyadda Khawaarijta u qaabilsanaa Gobolka Mudug ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidanka Booliska

Cabaas Shiikhdoon oo ah Madaxii Maaliyadda Khawaarijta u qaabilsanaa Gobolka Mudug ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee ka howlgala degmada Hobyo iyo deegaanada hoos taga, sida uu Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey Taliyaha Booliska Hobyo L/Xidigle Maxamed Cadceed.

Cabaas ayaa saraakiisha ciidanka u sheegay in Khawaarijta uu uga biiray degmada Xarardheere, wuxuuna dadka shacabka ah ka uruuri jiray lacago iyo xoolo baad ah, ciidamada qaranka ayaa mar ku dhaawacay duleedka deegaanka Xinlebi ee gobolka Mudug.

Ninkaan ayaa sheegay inuu u adkeysa waayey xaaladda ay ku jiraan kooxaha Khawaarijta ah ee duurka fog ku dhuumaaleysanaya, waxaana u suurta-gashay inuu xiriir lasoo sameeyo saraakiisha ciidamada qaranka, iyadoo looga hortegay aagga deegaanka Caad.