Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka oo maanta hortgey Aqalka Sare

Senator Aadan Cabdinaasir “Waxaan uga mahadcelinayaa Hey’adda Maareynta Musiibooyinka dadaalkii ay ku bixisay dadkii ay saameeyeen abaaraha iyo fatahaadaha.”

Maareeyaha Hey’adda NIRA Abdiwali Timacadde “Waxaan u diyaar garoobeynaa sidii aan dowlad goboleedyada u gaarsii laheyn adeegga aqoonsiga qaranka.”

Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Maxamuud Macalin “Waxaan qorsheynay in deegaannada Jubbaland ee khawaarijta lagu jabiyay aan gaarsiino gargaar 36 kun oo qof.”

Senator Cabdi Axmed Dhuxulow “Ma dhici doontaa doorashada 11 bisha soo socota ay dowlad gobaleedyadu geli lahaayeen”.

Senator Duniyo Maxamed Cali “Hey’adda SoDMA waxaan kula dardaarmayaa gargaarka dadka ay u geyneyso inn aysan diyaarad u kireyn oo ay magaalada ka gado si qiimaha loo yareeyo ”

Senator Leylo Axmed Ismaaciil “Wasaaradda Arrimaha Gudaha malaga yaabaa in ay dadka colaaddu dhex taallo ee gobollada dalka u qeybiso dhulka ay isku heystaan si ugu yaraan xal loo gaaro”.

Senator Iftiin Xasan Baasto “Hey’adda NIRA waxaan ka codsanayaa in ay dadka ku wacyigeliso qaadashada kaarka aqoonsiga.”