Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo ka socda maalintii labaad

30- July-2024″ Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo ka socda maalintii labaad

Waxaa maalintii labaad galay Shirwrynaha 2-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo ka socda magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo sidii loo heli lahaa Soomaali mid ah.

Shirweynaha Culimada oo ay ka qeyb galayaan Culimo Soomaaliyeed oo dalka iyo dibaddiisa isaga kala yimid ayaa sanadkan diiradda lagu saari doonaa midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed

Sheekh Yuusuf Cali Caynte oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ajandaha ugu weyn ee kulankoodu uu yahay in laga tago qilaafaadka Umadda Soomaaliyeed loona soo jeesto sidii loo joojin lahaa dhiigga daanaya, lagana shaeeyo masaalixda guud ee dalka.

Sheekh Yuusuf, ayaa sheegay in doorka Culimada ee kaga aaddan midnimada iyo isu soo dumidda Umadda Soomaaliyeed uu yahay mid weyn, wuxuuna rajo ka muujiyay in ay natiijo wanaagsan kasoo bixi doonto.